Saxaafadda Somaliland Oo Si Weyn Uga Soo Horjeeda Hadalka Wasiirka Warfaafinta

0
66 views

Saxaafadda Somaliland Oo Si Weyn Uga Soo Horjeeda Hadalka Wasiirka Warfaafinta

Saxaafadda Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeedsatay hadal shalay ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo. Warbaahinta ayaa maanta kulan ka yeelanaysa tallaabada ay kaga jawaabayso qorshaha wasiirku iclaamiyay.

Wasiir Guri Barwaaqo oo shalay golaha wakiillada ka hadlayay ayaa sheegay in aanay madaxda dawladdu wax war ah siin doonin saxaafadda madaxa bannaan taa bedelkeedana ay siin doonan warbaahinta dawladda oo u samayn doonta xafiis ay la soo xidhiidhaan goleyaasha dawladda.

“Wasaaradda warfaafintu waxay noqon doonta mid isku xidha goleyaasha, wasaaraddaha iyo dawladda, waxaanu isla garanay ama noo qorshaysan in aanay madaxda dawladdu heerka ay doonan ba ha ahaadaane aanay adeegsan warbaahinta gaarka ah ee ay adeegsan doonan warbaahinta dawladda ee wasaaradda warfaafinta,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Guri Barwaaqo.

Suxufiyiinta ayaa arrintan kaga dareen celiyay baraha bulshada iyaga oo u arka in hadalka wasiirku khilaafsan yahay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerka saxaafadda oo dammaanad qaaday madax bannaanida saxaafadda iyo in ay xog ka helaan madaxda dawladda, sidaas awgeedna aan la aqbali Karin qorshaha wasiirku damacsan yahay in uu warbaahinta ku cabudhiyo

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.