Saraakiil Ruush Ah Oo Lagu Laayay Suuriya

0
464 views
Saraakiil Ruush Ah Oo Lagu Laayay Suuriya

Saraakiil Ruush Ah Oo Lagu Laayay Suuriya

Dimishiq(Sayruuq) Afar sarkaal oo ka mid ah militariga Ruushka ayaa lagu dilay Waddanka Suuriya sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushku. Ciidamadan ayaa ku dhintay dagaal ciidamada Bashaar Al Asad iyo maleeshiyaad ku dhexmaray gobolka Bariga Suuriya ku yaalla ee Deir Az Zor. Waxa dhaawacmay ilaa 5 kale oo ciidamada Ruushanka.

Dagaalkan dhimashada keenay ayaa qarxay markii kooxo hubaysan oo dhawr ah soo weerareen saldhig madaafiicda ah oo ay leeyihiin ciidamada dawladda Suuriya sida ay tabisay warbaahinta Ruushka oo soo xiganaysa wasaaraddooda difaaca. Hase ahaatee lama oga wakhtiga rasmiga ah ee dagaalku dhacay waxaana loo badinaya in uu Arbacadii ahaa.

Wasaaradda difaaca ee Ruushku waxay sheegtay in laba ka mid ah la taliyeyaasheeda Militariga ee ciidamada Suuriya lagu dilay goobta dagaalka 5 kalena la dhaawacay. Laba kale ayaa ku dhintay cisbitaal Militari oo loo qaaday “Afar ciidamada Militariga Ruushka ah ayaa la dilay markii goor habeenimo ah maleeshiyaad soo weerareen Saldhig Madaafiicda ah oo dawladda Suuriya leedahay,” Sidaas ayaa lagu sheegay bayaanka Ruushka ka soo baxay.

Tirada rasmiga ah ee ciidamada Ruushka lagaga dilay dalka Ruushka ayaa haatan gaadhay 92 sida lagu sheegay bayaanka. Ruushku waa taageeraha ugu weyn ee Bashaar Al Asad oo dalkiisu 7 sanno dagaal sokeeye cagaha kula jiro, islamarkaana boqolaal kun oo qof ku dhinteen malaayiina ku barakacday.

Ruushka oo 2015 soo faro geliyay dalka Suuriya ayaa taageeraya xukumadda Suuriya waxaanay bilihii u dambeeyay dhul badan ka qabsadeen kooxaha dagaalka kula jira oo ay ka mid tahay kooxda Daacish.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.