Saldhigyada Militari ee Dhulka Soomaalida Oo Laga Walaacsan Yahay

0
188 views
Saldhigyada Militari ee Dhulka Soomaalida Oo Laga Walaacsan Yahay

Saldhigyada Militari ee Dhulka Soomaalida Oo Laga Walaacsan Yahay

Machadka Daraasaadka Nabadda ‘The Institute for Security Studies (ISS)’ oo fadhigiisu yahay dalalka Koonfur Afrika, Kenya, Itoobiya iyo Senegal ayaa ka walaacsan Saldhigyada Militari ee shisheeya ee Afrika ku soo badanaya sida lagu sheegay warbixin ISS daabacday. Saldhigyadan ayaa badankooda laga bineeyay Geeska Afrika siiba arlada Soomaalida sida: Jabuuti, Somaliland iyo Somalia.

Warbixintan ayaa lagu soo jeediyay in Kulanka Madaxda Afrika dhammaadka bishan yeelanayaan lagu lafo guro sidii Qaaraddu siyaasad uga yeelan lahayd waddamada kala danaha duwan ee Xarumaha Militari ka samaysanaya. Warbixinta oo ka jawaabaysa in Midawga Afrika wax ka ogyahay Saldhigyadan tirada badan wax ay qabtaan, in uu xakamayntooda door ku leeyahay iyo in uu ku lug leeyahay heshiisyada lagu dejiyo Saldhigyada ayaa lagu sheegay in aanay intaas ba door ku lahayn Midawga Afrika oo arrimaha qaaradda u dhaqdhaqaaqa,

“Waxaynu ognahay in Jabuuti marti galisay Saldhigyo Militari oo badan. Shiinaha ayaa dhawaan ka mid noqday waddamada kale ee xarumaha Militari ku yeelanaya Jabuuti. Japan ayaa saldhiggeeda kaliya ee Militari ee ay dunida ku leedahay ku leh Jabuuti sidoo kalena Taliyaaniga. Ciidamo ka yimid Jarmalka iyo Isbanishka ayuu marti galiyay Saldhigga Faransiiska ee Jabuuti, Ruushku wuu ku fashilmay in uu Shiinaha la wadaago Saldhiggooda Militari, Hindiya way doonaysa in ay Saldhig Militari ka furato Jabuuti, sidaas oo kale Sucuudiga,” Sidaas waxa yidhi madaxa barmaamijka Afrika ee Chatham House Mr Alex Vines oo tilmaamay in Saldhigyada Jabuuti qaarkood kala duwan wadaagan.

Waxa uu intaasi raaciyay “Jabuuti oo kaliya maaha dalalka aqbalaya Saldhigyada Militari ee cusub; Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa bishii February 2017 hantiday heshiis uu Saldhig Militari kaga yagleeshay Somaliland, Eriteriya ayay sidoo kale Saldhig ka samaysatay 2015. Turkiga ayaa Saldhig Militari ka furtay Somalia 2017,  Ruushka ayaa wada xaajood uu Saldhig kaga dhisanayo kula jira Suudaan, Hindiya ayaa xarumo Militari ku leh Mauritius iyo Madagascar, waxaana suuro gal ah in ay Seychelles ka sii waddo. Kala duwanaanshahan ammaan ayaa sii socon doona 2018.”

Sidoo kale 2017 waxa 10 jirsaday Africom (US Africa Command) oo ah hawlgal 4000 ciidan kaga joogan Maraykanka Saldhiggiisa Jabuuti kuwaas oo la sheego in ay ka hawlgalaan la dagaalanka Alshabaab, ISIS-ta Libiya iyo kooxo Niger ah.

Khuburada arrintan lafa guray ayaa sheegaya in ay u muuqato in mushkilado ka jira gudaha Afrika ay xallilayaan dalal shisheeye oo danahooda hoosta ku wata qaar badana ay difaacanayaan danahooda ganacsi. Waxa la sheegay in arrintani dhaawacayso in ay koraan ciidamada Afrika siiba dalalka iskaashiga ciidan samaystay.

Waxa kale oo warbixintu walaac ka muujisay in xiisadda bariga dhexe ee u dhexaysa Qadar iyo isbahaysiga Sucuudigu saamayn ku yeelanayso Geeska Afrika iyo Waddamo waqooyiga iyo galbeedka ku yaalla, islamarkaana dalal danahooda kala jiidanaya kula soo galgalanayaan Afrika.

AU summit 30: Should Africa worry about a growing foreign military presence?

Heshiiska Saldhigga Militari Waa Sharci Oo Madaxweyne Kama Bixi Karo,” Madaxweyne Biixi

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.