Saldhigyada Maraynka Iyo Shiinaha Ee Jabuuti Oo Khilaaf Culus Soo Kala Dhexgalay

0
1,188 views
Saldhigyada Maraynka Iyo Shiinaha Ee Jabuuti Oo Khilaaf Culus Soo Kala Dhexgalay

Saldhigyada Maraynka Iyo Shiinaha Ee Jabuuti Oo Khilaaf Culus Soo Kala Dhexgalay

Dawladda Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu eedaysay ciidamada Shiinaha ee Saldhigga Militari ee Jabuuti jooga arrin halis ku ah diyaaradaha Maraykanka iyo darawalada wada. Waxay sheegeen in iftiin awood badan oo indhaha ka ridi kara ama indho daraandar ku ridi kara Bayloodada diyaaradaha Maraykanka wada lagaga soo shidayo Saldhigga Shiinuhu ku leeyahay Jabuuti.

Waaxda Gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay in Laysarradu dhaawac gaadhsiiyeen ilaa labada Baylood laakiin, aanay jirin wax burbur diyaaradeed ah waxaanay sheegtay in ay dacwad rasmi ah oo arrintan ku saabsan u gudbiyeen dawladda Shiinaha si loo baadho dhacdooyinkan.

“Maraykanku wuu ku kalsoon yahay in muwaadiniinta Shiinuhu masuul ka yihiin isticmaalka Laysarkan kaas oo dhawr jeer lagu bartilmaameedsaday diyaaradahayaga dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay. Arrintani waxay halis weyn ku tahay dadkayaga diyaaradaha saaran,” Sidaas ayay tidhi Dana White afhayeenka Pentagon-ka Maraykanka.

Waxay sheegtay in dhawaanahan ilaa 10 dhacdo oo Laysar ah dhaceen, islamarkaana sababta ay u gudbiyeen dacwaddu tahay dhaawacyada gaadhay wadeyaashooda diyaaradaha iyo kiisaska noocan ah ee soo kordhaya oo dhibaato ah.

Bayloodada Maraykanka ayaa la siiyay digniin iyo in ay helaan wax Laysarka ay iskaga dhigaan marka ay marayaan aagga Waddanka Jabuuti si looga hor tago indho beel ku dhaca iyo in diyaaraduhu burburaan.

Dhawr diyaaradood oo Maraykanku leeyahay ayaa dhawaan ku burburay waddanka Jabuuti waxaanay sababta in dawladda Jabuuti muddo ka xayirto hawadeeda diyaaradaha Maraykanka si loo hubiyo dhacdooyinka isku xigay ee burburka diyaaradaha.

Dawladda Maraykanka ayaa dhawaan ka walaacsanayd in Shiinaha lagu wareejiyo dekedda Jabuuti taas oo cuno qabatayn ku ah saldhiggooda Jabuuti. Shiinaha ayaa dhawaan Jabuuti ka furtay saldhiggiisii u horeeyay ee dalkiisa ka baxsan waxaana walaac laga muujiya dalalka siyaasad ahaan kala duwan ee dariska ku ah Jabuuti.

Watch: Pentagon says 2 US airmen injured by Chinese lasers in Djibouti

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here