Saldhiga Berbera Magacii Somaliland Meel Dheer Bu Gaadhsiiyey .Faalo: Maxamuud Askar

0
47 views

Saldhiga Berbera Magacii Somaliland Meel Dheer Bu Gaadhsiiyey .
Saldhiga Magaalo Xeebeedka Berbera Somaliland ayaa magaca iyo maamuuska Jamhuuriyadda barkaysan meel fog gaadhsiiyey ,gaar ahaan qadiyadda goonistaaga iyo dib ula soo noqoshadii dowladooda 1991 .

warbaahinta ka soo baxda khaliijka Carabta ,shaam iyo Masar iyo kuwa reer galbeedka ayaa si mug leh u lafa guray ansixinta Baarlamaanka ee heshiiska saldhiga milatariga Berbera ee laga kireeyay mudada 25 sanadood ah dowladda Isutaga Imaaradka Carabta(U.E.A) xukuumadda, talaabaddan ay xukuumadda Somaliland ku kacday wallow wadada loo maray suluug badan ka muuqday hadana magaca ,maamuuska iyo jiritaanka Somaliland muu dhaafsiisneyn 18 May iyo dowladaha soohdinta la wadaaga taasina waata keentaya laciifnimada ,iyo maqalka qadiyada 25 jirstay in loo juuqi waayo .

warbaahinta aan ku noqde waxay cod dheer kaga hadleen saldhiga Berbera xukuumadda uu hoostago sida ay u bixyeen iyo Baarlamaanka Somaliland ee labadda guri wakiiladda iyo Guurtidu in cod aqlabiyada ah oo 144 xildhibaan ah ay ku ansixiyeen saladhigaas ,warbaahinta ka hadashay ayaa leh reer galbeed sida Ingriiska iyo Maraykanka iyo saxaafadda khaliijaka iyo kuwan Lubnaan iyo Iiraan iyo Yeman oo isku garab ah .dhamaantoodna waxay ka faaloodeen goobta isriraatijiga ah ay dhacdo Berberi wallow ay markaste ku lamaaneynayaan dagaalka Xuutiiyinta iyo baqashada ay ka qabaan in ganacsiga Dubia carqalad ku noqdaan Xuutiyiinta sida aawadeedna ay Berbera iyo Cosob oo Eretria ah labada saldhigyo uga samaysanayaan ilaalinta marinka Babul-Mandab .

waxyaabaha layaabka leh ee ka soo baxay heshiiska ayaa isaguna ah ka dhab ahaanshaha dowladda Isutaga Imaaradka Carabta(U.E.A) in ay quus ka taagantahay Somalia iyo Djibouti ,ta koowaad waa Somalia dowladan waxay siin jirtay tobabaro dhanka la dagaalanka argagixisada ah oo xarun tobabar ah ayaabay ka furtay Muqdisho horaanti 2014 halka sidoo kalena 2015 October ay balan qaaday bixinta mushaharaadka ciidanka Somalia mudo afar sannadood ah ,abaalkoodina waxaa uu noqday “diidmada saldhiga Berbera waxaanay sheegeen in ay la tiigsan doona sharciga caalmiga”.

Djibouti sida ay warbixnta margeegta sasapost sheegtay waxaa ka dhex aloosmay labadda dal isku dhac dublamaasiyedeed taas kaltiay in safaaradaha lakala gurto May 2015 waxaana sabab u ahaa muran xoogan oo ay iskaga horyimaadeena ku xigeenka Qunsulka safaaradda Imaaradka ee Djibouti iyo taliyaha ciidanka Cirka ee Djibouti , intaas waxay ku dartay faaladda Saspost dowalda Djibouti ay amar ka soo saartay 29 April 2015 in ay dalka iskaga baxaan ciidamdda dowladaha Khaliijka ee dagnaa dalkooda .

Berbera marka laga dhanka horumarka waxay noqon doonta dakada caalami ah oo magaca ,maamuskii iyo kaalintii Somaliland ee dowladaha carabta mar labaad soo celin doonta waana siyaasad quman oo dhinac iska leexin doonta munaafaqadii iyo marin habaabintii dowladaha reer galbeedku inta badan ku luminayaane qadiyadda Somaliland .

Maxamuud Askar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here