Salaadiinta Garxajis Oo Khilaaf Ka Dhex Qarxay

0
268 views
Suldaan Maxamed Oo Cirka Ku Sii Shareeray Shirweynaha Garxajis

Salaadiinta Garxajis Oo Khilaaf Ka Dhex Qarxay

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo ah hoggaanka dhaqanka beelaha Habaryoonis ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin shirweynaha beelaha Garxajis oo loo qoondeeyay in lagu qabto gobolka Togdheer marka uu roobka gu’gu da’o bilaha soo socda. Shirkaasi waxa shalay joojiyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir suldaanka guud ee Somaliland kana mid ahaa dadkii markii hore ku dhawaaqay.

Waxa warbaahinta ka baxay hadal uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir leeyahay shirkii waanu joojinay; waxaan u sheegaya dhammaan bulshada Garxajis meel walba oo ay joogaan in aan shirkaas wax joojin ah iyo wax waxka bedel ahi aanay jirin, sidiisii iyo wakhtigiisii uu dhici doono, wax iska bedelayaana ma jiro sidaas ayaan doonaya in lagu ogaado,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Cismaan oo telefishanka Saab la soo xidhiidhay isaga oo jooga Ingiriiska.

Suldaanku waxa uu bulshada Garxajis ugu baaqay in goobtiisa iyo goortiisa loogu diyaar garoobo shirweynaha beesha waxaanu u mahadceliyay odayaasha iyo guddiyada qabanqaabiyay in shirkaasi la qabto oo ujeedkiisa lagu sheegay aayo ka tashiga beelaha Garxajis.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa shalay si rasmi ah u sheegay in uu shirkaasi joojiyay, islamarkaana aanu qabsoomi doonin ilaa war dambe isaga ka soo baxo waxaanu hadalkan shaaciyay todobaad kadib markii uu aqbalay goobta iyo goorta shirka la qabanayo oo guddida hawsha wadday soo jeedisay hase ahaatee lama oga dhinaca ay isula dhici doonto khilaafka ka soo muuqday madaxda ka soo kala jeeda beelaha Garxajis siiba Habaryoonis iyo Ciidagale.

Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa si weyn uga hor yimid shirkaasi isaga oo ku dooday in aanay jirin dan iskaga xidhan reerkiisa oo dega Hargeysa iyo Hawdkeeda iyo beelaha Habaryoonis ee dega gobolka Sanaag waxaanu ku dooday in aanay dadka ku dhawaaqay ahayn kuwii metelaadda rasmiga ah ka haystay beelaha Garxajis.

Shirweynaha beelaha Garxajis ayay hadal hayntiisa iyo qabanqaabadiisu timid kadib markii xisbiga Waddani ku guuldaraystay doorashadii Madaxtooyada ee 13 November dhacday waxaana loo arka is abaabul siyaasadeed oo lagu sii wadayo taageerada Waddani inkasta oo aanay xukumaddu wax faallo ah ka dhiiban hadal haynta shirkan.

Beelaha Somaliland ayaa inta badan ka shira danahooda iyo aayahooda mustaqbal ee dhanka nolosha iyo siyaasadda laakiin, kama soo baxaan wax ku lid ah dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland waxaana looga bartay in ay soo baxaan qodobo adkaynaya dawladnimada iyo darisnimada beelaha.

 

Suldaan Maxamed Oo Joojiyay shirka Garxajis

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.