Salaadiinta Habarjeclo Oo Go’aammo Ka Soo Saaray Shir U Socday

0
742 views
Salaadiinta Habarjeclo Oo Go'aammo Ka Soo Saaray Shir U Socday

Salaadiinta Habarjeclo Oo Go’aammo Ka Soo Saaray Shir U Socday

Hargeysa(Sayruuq) Shir ay magaalada Hargeysa ku yeesheen Salaadiinta beelaha Habarjeclo oo uu guddoominayay suldaanka guud ayaa laga soo saaray dhawr qodob oo ay ka mid yihiin taageero loo muujiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan oo aan la ogayn ajandihiisa hoose waxa laga soo saaray qodobo dhanka ammaanka ah oo khuseeya Tukaraq iyo xiisadda Ceelafweyn ee gobolka Sanaag.

Salaadiintu waxay beelaha walaalaha ah ee reer Ceelafweyn ugu baaqeen in ay u hoggaansamaan ergooyinka dhexdhexaadin doono waxaanay madaxweynaha ugu baaqeen in uu ka baaran dego ergada uu u xilsaarayo xallinta colaadda si aanay mar dambe u soo noqon.

Geesta kale waxay madaxweyne Muuse Biixi ku taageereen in colaadda Tukaraq lagu xalliyo hannaan wada hadal oo labada dhinac dhex mara si looga baaqsado colaad daba dheeraata iyo dagaal wakhti qaata.

Shirkan ayaa imanaya xilli beesha Garxajis shirweyne balaadhan ku qabsatay buurta Gacan Libaax kadib saluug laga muujiyay xukumadda madaxweyne Muuse waxaana isa soo taraya shirarka beeluhu aayahooda siyaasiga ah dib ugu eegayaan.

Halkan guji oo daawo Muuqaalka Shirka Salaadiinta

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.