Sahra Axmed Xidigad Lahayd Badd Faneed Oo Aan Xeeli Lahayn 1969- 2018.

0
536 views

Sahra Axmed Xidigad Lahayd Badd Faneed Oo Aan Xeeli Lahayn 1969- 2018.

W/Q: Jamaal Macalin

Sahra Axmed waxay ku dhalatay magaalada Burco, sannadkii 1956-kii. Alle ha u naxariistee Sahra Axmed Jaamac waxay yaraanteedii ku barbaartay magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo.

Fanka waxay ku soo biirtay iyadoo aad u yar, waxaanay ku bilowday ciyaar dhaqameedka oo ay aad u jeclayd. Sahra Axmed fanka umay galin wax tartan ah, ee markii codkeeda la qiimeeyay waxa la gartay loo qaato fannaanad.

Sahra Axmed sannadkii 1969-kii ayay noqotay fannaad heesta, waxaanay ka qayb gashay ruwaayad la odhan jiray odhan jiray Garashaa garab wayday, oo uu curinteeda lahaa abwaan Axmed Saleebaan Bide, se waxa ka horaysay ruwaayad uu lahaa Cali Sugule, taas oo fanaaniini ka keeneen magaalada Muqdisho, se iyadu ay kaalin buuxisay markii Hargeysa la keenay.

Heesaha Ay Qaaday Fanaanada Sahra Axmed Jaamac, Waxa Ka Mida:-

1. Heesta (QOORAANSI EEGMADU), waxay la qaadi jirtay fanaanka Axmed Mooge Liibaan.

2. Heesta (BEERQAAD), waxay wada qaadaan fannaanka Maxamed Axmed Dhabarlow.

3. Heesta (NABSI WAA JIRAA), waxay la qaaday fannanka Maxamed Yuusuf Cabdi.

4. Heesta (FARASKAAGII LAGA BADI), waxay wada qaadaan fannaanka Bacalwaan.

5. Heesta (JAAW NABADGALYO), waxa isna ay la qaaday fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan.

6. Heesta (SIDA DAMAL BARWAAQO) ah ama goormaynu darisnaa, waxay wada qaadaan Cabdi Cali Bacalwaan.

7. Heesta (WADAR), waxay wada qaadaan Cabdi Cali Bacalwaan.

8. Heesta (BARASHO), waxay la qaaday fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan.

9. Heesta (SIDA MUUNI SUBAXEED), waxay la qaaday fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan.

10. Heesta (WAAR HOY GAABSO OO JOOG), waxay la qaaday fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan.

11. Heesta (HAATUF IGU DHAWAAQYEEY), waxay la qaaday Xasan Aadan Samatar.

12. Heesta (GADHBA GADH BAA LA TUSAA), waxay la qaaday Xasan Aadan Samatar.

13. Heesta (SAYLA), waxay la qaaday Xasan Aadan Samatar.

14. Heesta (DAA’UUS), waxay la qaaday Xasan Aadan Samatar.

15. Heesta (BAL QOF YAHOOW), waxay la qaaday Alle ha u naxariistee Muuse Ismaaciil Qalinle.

16. Heesta (HADDUU BEERKU QAYBSANO), Maxamed Axmed Dhabarlow.

17. Heesta (MADI), heestan fannaanadu kelideed baa qaada.

18. Heesta (MA IS DAADAHAYNAA), waxay la qaaday Xasan Aadan Samatar.

19. Heesta (BADDA CAASHAQ, EEN GUDHIN), heestan fannaadu iyadaa kelideed qaada.

20. Heesta wadaniga ah, (AGOONTA NINKII QADSHOOW), inkaar baan kugu ogahay, oo uu ereyadeeda lahaa.

21. Heesta wadaniga ah, (HUBSIIMO ), inkaar baan kugu ogahay, oo uu ereyadeeda lahaa.

23. Heesta la yidhaa (SHINI WALIBA), waxay wada qaadaan Alle ha u naxariistee Axmed Mooge Liibaan.

24. Heesta (Ima baran), waxay wada qaadeen Alle ha u naxariistee fannaankii Maxamed Yuusuf Cabdi.

25. Heesta (UBAX), waxay la qaaday Alle ha u naxariistee Xasan Diiriye.

26. heesta (MAAHEE QADRAAY), waxay iyna la qaaday Alle ha u naxariistee Maxamed Nuur Gariig.

27. Heesta (MA SOO LISAY), waxay wada qaadeen Aburaas.

28. Heesta (MARKAAN KU ARKO ADIGAA JACAYLKU I ABAARAA), waxay wada qaadeen Aburaas.

29. Heesta (LABA SOORYO WADA CUNAY), heestaas fanaanadu kalideed bay qaadi jirtay.

30. Heesta (SUUL DHABAALE WAA HADAL), waxay la qaadaa fanaanka Cabdiraxmaan Dheere.

31. Heesta (GACANTAADA MIDIG), oo ay ay wada qaadeen fanaanka Aadan Hure.

32. Heesta (LABA SOORYO WADA CUNAY), fannaanadi kelideed baa qaada waxaana ereyadeeda leh Muxumed Cali Masmas.

Heesaha ama fanka ay lahayd fanaanada Sahra Axmed intaas kuma ega, se waa intii aan ka haleeli karaayay.
Sahra fankeedu waa bad aan xeeli lahayn
Alle ha u naxariistee Sahri waxa kale oo ay qaaday dhawr qasiidooyin ama nebbi ammaan ah, waxaana ka mid ahaa

1. Rasuulkii rasuulkii sharafta mudan
2. Dunida shaaca looga dhigay iyo kuwo kale.

Xagga ruwaayadaha waxaynu ka xusi karnaa kuwan:-

1. Galbeed waa la xoreeyay
2. Wadhaf iyo shimbri war iskuma hayaan
3. Nin qasbaaya jacayl ma loo quudhi karaa
4. Dab jacayl kariwaa
5. Garashaa garab wayday
6. Midi sare laguu gali, maye xoolahii aad haysay iyo kuwo kale.
7. Jeel iyo jacayl.

Sahra Axmed Jaamac waxay dhashay sagaal ubad ah, shan hablood iyo afar wiil. Sahra ubadeekada waxa ka nool sideed carruur ah, Sahra Axmed Axmed Jaamac ubadka ay dhashay iyo inta ay sii dhaleen tafiirtoodu waa 27 qof.
Sahra Axmed waxay cubitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa ku geeriyootay maatna oo Arbaca ah, oo ay taariikhdu tahay 4/4/2018.

Taariikh nololeedka marxuumada waxaan ka soo uruuriyay ama aan ka soo xigtay waraysiyo kala duwan, oo fannaanada lala yeeshay intii ay noolayd.
Heesaha ama fanka ay lahayd fanaanada Sahra Axmed intaas kuma ega, se waa intii aan ka haleeli karaayay. Sahra Axmed fankeedu waa bad aan xeeli lahayn, oo soo taxnaa 1969- 2018.

Fiiro gaara:

Taariikhada intani waa intii aan ka haleelay, waa suura-gal in aan wax ka tagay ama aan taariikhada meelaha qaar si ka duwan sidaad u taqaanaan u sheegay, maaha u kas ah, ee waa wax la iga sixi karo, maadaama oo ay jiraan dad badan oo taariikhada marxuumada iiga aqoon badan.

W/Q: Jamaal Macalin

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here