Safiir Somaliland ee Kenya Muxuu ka yidhi Ilhan Cumar

0
124 views
Danjire Baashe Oo Talo Uu Siilaanyo Ka Qaatay Ku Aqbalay Safiirnimada Kenya

Safiir Somaliland ee Kenya Muxuu ka yidhi Ilhan Cumar

“KALA GUURKII MAAHEE KALA GURASHO WEEYE”

Waxaan hambalyo u dirayaa walaashay ILHAN OMAR oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyad soo galooti ah ee loo doorto Aqalka Hoose ee Congress ka dalka Markaykan. Guusheedu waxay farriin togan u tahay dhammaan ummada soomaalida ah inay codkooda Iyo cududoodu caalamka ka shaqeeyo.
Qofka kasta oo soomaali ah deegaanka uu doono ha ka soo jeedee ee xaqiijiya guulaha mar la araga ku ah dunidu, waxay Mudan yihiin ku dayasho iyo hambalyeyn. waxaa na muhiim ah in la kala fahmo Soomaalinimada Iyo dawladnimadu waa labo arrin oo kala Madax bannaan, qofka soomaaliga ahi libintiisa lagu ma doodsiin karo dawladdaas ayuu ka soo jeedaa ama deegaankaas.
Ugu dambayntii aragti ahaan waxaanu aaminsan nahay cod dheer na ku sheegaynaa waxaanu ku faanaynaa soomaliga Kenya jooga ee xaqiijiyay guul uu dadka kale kaga muuqdo, soomaaliga Ethiopia jooga ee xaqiijiya guul taas la mid ah, Soomaliga jooga North America, Jabuuti, ee xaqiijiya guul wax ku ool u ah, Iyo dhammaan qofkasta oo sinjigiisu Soomaali yahay ee jooga dunida jooga oo xaqiijiya guul waanu Hambaleynaynaa.
“Ma ihi Sinji diid ee Soomaali weyn nimo diid ayaanu nahay,
Waxaan ahay Soomaali, sidoo kale na ah Somalilander ka Madax bannaan Somalia, oo ogol in la noqdo laba Dawladdood oo walaalo Iyo wehel iskaga ah dunida xaalad adag Iyo mid fududba.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.