Saddex Qodob Oo Loo Cuskaday Xukunka Buurmadow

0
1,048 views
Buurmadow Oo Ka Hadlay Mawqifka Beeshiisa Ee Dhexdhexaadinta Ceelafweyn
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow

Saddex Qodob Oo Loo Cuskaday Xukunka Buurmadow

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa 5 sannadood oo xadhig ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland gaar ahaana beesha Habarjeclo. Boqorka ayaa dhawaan la xidhay kadibna lagu sii daayay dammaanad kadib markii uu Puntland xaflad dhaqan kaga qayb galay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in xadhiga Buurmadow yahay saddex dambi oo lagu helay.

1 waxa lagu helay in uu hadal ka dhan ah Somaliland iyo qaddiyaddeeda jeediyay

2 in uu madaxweynaha Somaliland ka been abuurtay

3 iyo in uu garsooraha xukunka ridayay aflagaadeeyay isaga oo yidhi “ Ku dhawaaq xukunka waa laguu soo dhiibaye,”

Boqor Buurmadow ayaa dhawaan degmada Carmo ee Puntland ka jeediyay hadal intiisa la dhibsaday nuxurkeedu ahaa in uu ku socdo heer qaran kana wakiil yahay madaxweynaha Somaliland ergo nabadeedna uu yahay waxaanu dalbaday in la kala qaado ciidamada isku hor fadhiya Tukaraq waxaana hadalkiisa ka mid ahaa in shacab ahaan dadku walaalo yahay laakiin siyaasiyiintu kala qoqobeen.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.