Saddex Kooxood Ayaa II soo Baxay!!! Prof Abdi Ali

Kooxda hore geeridii nabiga ma oga oo warba kama hayaan afkaaraha caalamka la isku hayo; kooxna waabay badheedhaysaa oo waa koox aaminsan fikirka bilaa dhaqanka ah ee bilaa dabarka ah (extremely liberal); labada kooxood ba way taageersan yihiin xeerka kufsiga; Kooxda saddexaad waa kooxda diidan xeerka.

0
519 views
Dooddii Adkayd Ee Dhexmartay Prof Cabdi Cali & Madaxweyne Biixi

Saddex Kooxood Ayaa II soo Baxay!!! Prof Abdi Ali
Kooxda hore geeridii nabiga ma oga oo warba kama hayaan afkaaraha caalamka la isku hayo; kooxna waabay badheedhaysaa oo waa koox aaminsan fikirka bilaa dhaqanka ah ee bilaa dabarka ah (extremely liberal); labada kooxood ba way taageersan yihiin xeerka kufsiga; Kooxda saddexaad waa kooxda diidan xeerka.

Kooxda aan waxba ogeyn, kama warhayaan in xeerka kufsiga ee la ina dhexmariyay, la inagu shaambadeeyey arrimo aynaan gayin innagoo ah mujtamac muslin, kana mid ah waliba kuwa ugu adag dhaqanka iy diinta. Kooxdani waxay ku eedeeyaan dadka xeerka ka soo horjeeda in aanay dan ka lahayn tacadiga ku dhacaya haweenka; xaasha; annagaa kaaga lexejeclo badan ee fadlan waxba ha is xigsiinnina haweenka; sidana haweenka waxba ugu maydaan tarin, ee haweenkii, dhaqankii iyo diintiinii ayaa wax wayn yeesheen.

Maanta haddii aad sharicyaysay qeexda galmada, oo aad tidhi waa marka qof u tago qof kale, ma ogtahay inaad ogolaatay qeexda qoyska ee xataa gaaladu isku hayaan, taasoo odhanaysa qoys waa laba qof oo kasta oo guri kuwada nool, oo ku heshiis ah in ay sameeyaan xidhiidh jinsi ah (sex). Kalmadda laba qof, xataa waxay noqon kartaa laba nin ama laba dumar ah. Xataa gaalada kuwooda muxaafidka ahi, arrintaa gaashaanka ayay ku dhufteen, waxanay yidhaadeen: Waar illa Xaawa iyo Aadan, qoys wuxu ahaa nin iyo qof dumar ah ee naga joogiya waxaad wadaan!!!!

Kooxda labaad ee aan arkay intii doodani socotay, waxa weeye koox iyagu og afkaaraha caalamku isku hayo iyo halka wax marayaan, laakiin kooxdani way badheedhaysaa; waxanse la yaabay sideebaa qof muslin ah oo Somali ah uu fikir ahaan u noqon karaa mid aaminsan fikirka ay diideen xataa gaalada kuwooda muxaafidka ahi. Markaa qofka ceynkaas ahi, ama ha is ogaado ama yaanu is ogaane, wuxu ka baxay Somalinimadii iyo xeradii weynayd ee dhaqanka; ma odhan karo diintii ayuu ka baxay!!! waxa malaha innaga dhexeeyaa waa diirka iyo af-somaliga uu ku hadlayo oo kaliya!!!!

Labada kooxood ee sare, inkastoo aynu arkayno in ayna isku afkaar ahayn, haddana, waxay labada kooxood ba taageersan yihiin Xeerka Kufsiga ee dhawaan la anixiyay!!

Kooxda saddexaad, waa kooxda ka soo horjeeda xeerkan; waxayse u sii qaybsamaan koox dhaqan ahaan iyo diin ahaan uga soo horjeedda xeerka iyo koox diin ahaan kaliya uga soo horjeeda. Anigu waxan ka mid ahay kuwa dhaqan ahaan iyo diin ahaan uga soo horjeeda; kuwa diin ahaan kaliya uga soo horjeeda iyaga laftooda qiimo lama laha dhaqanka Somaliga ahi; kaasoo sir iyo caadba aan ogolaan karin fawaaxishka uu xambaarsan yahay xeerkani; si kale haddaan u dhigo qoladan danbe waa qolo iska carabawday oo iyaga laftoodu ka baxay dhaqanka Somaliga ah, sida kooxda labaad ee badheedhaysaa uga baxeen dhaqanka Somaliga ah; markaa halkaas bay iska shabbahaan; nasiib wanaag way ka soo horjeedaan fawaaxishka, laakiin sida kooxda hore u reer galbeedoobeen ayay kuwana u caraboobeen!!!

Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimah bulshada iyo maamul wanaagga.

Prof Cabdi Cali Jaamac

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.