Ruwanda Vs Somaliland;Cusmaan Omar Dool

0
241 views

Ruwanda Vs Somaliland;Cusmaan Omar Dool

Akhriso waana Druqs Dosege kaa awood badan ee biyo badan ku liq wixii side effescts ee kaaga yimaadana u dul qaado.

1000.000 oo qof oo lagu dilay faashash iyo rasaas ayay Qabiilka Tuudsigu kaga samreen oo ay ku badasheen in dalka Ruwanda uu Maanta noqdo mid ka mida Wadamada Africa hagaaminaya gees kastaba, weliba waxaa xukunkii iyo taladii qabtay iyaga oo Qoladii Dabiilayaasha aheyd ku yidhi Walaalo ayaynu nahay ee nimcada geestiina daaqa, sharcigana si isku mida ayaa loo hoos imanayaa.

Inagoo Isaaq ahina 10000 oo qof oo ku dhintay dagaalkii 1988 kii iyo Guriyihii ay dumiyeen diyaaradiihii Dawladii Siyaad Bare oo intaana ay sababtay guda galkii qasabka ahaa ee ay ururkii SNM soo galeen Magaalooyinka Hargeisa iyo Burco ayaynu Somalinimadiina u nacnay inaguna aynu Qol bilaa alabaaba oo bilaa daaqada isku xidhnay kana faaiidnay inaynu is macno isna boobno!!!!!!!.

Alleylehe intaa waxaa dheera labadii dil ee ka dhacay magaalada Burco iyo xeebta Jazeera oo lagu dilay rag boqolka ku dhawaa oo Isaaqnimo loo laayay.

Waa hubaal inuuTaliskii Siyaad Barre ee kelidii Taliska ahaa uu guud ahaan, gaar ahaana Beesha Isaaq uu you geystay xadgudub balaadhan oo taariikhiya, lakiin su’aashu waxay tahay.

  1. Isaaqu denbigii laga galay ma waxay u haystaan A. Somalida imika nool, B. Reer Konfureedka C. Daaroodka. D. Mise Qaranka Somaliyeed
  2. Qaabka ay kaga samarayaan ma waxa weeye A. Waanu goosanay oo bartaas ayaanu ku xidhnaanaynaa B. Cayda, nacaybka iyo cunsuritadeynta Somalida aan waxba gacmaha ugu jirin ee iyagii kadeedan.

Aniga iyo adigaaga ila fikirka ahi na waxaynu xalka u aragnaa in inta Somaliland waxa ay hayso ay daadiso mar keliya la yidhaahdo ” Caasimadeenuna waa Xamar, Madaxweynsheenuna waa Farmaajo”

Maya xaasha taasi caqli ma aha, Beenta iyo cunfiga imika lagu nool yahayna xal ma aha.

Waa in la helo Dariiq labadaaba ka duwan oo ah ninkii Cadaalad Darada sameeyay way u dhamaatnye,ninka noolow adigu Hogaanka qabo oo umada ka saar silica iyo dawlad la’aanta.

Ilaahayow Eex maan tiraabin ee aqoontayda ha igu cadaabin.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.