“Ruushku Waa U Diyaar Iskaashiga Itoobiya,” Putin

0
386 views
“Ruushku Waa U Diyaar Iskaashiga Itoobiya,” Vladimir Putin

“Ruushku Waa U Diyaar Iskaashiga Itoobiya,” Vladimir Putin

Addis Ababa(Sayruuq) Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin waxa uu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay iskaashi uu la yeesho  dawladda Itoobiya. Waxa uu sheegay in uu danaynayo iskaashi laga sameeyo dhinacyada faa’iidada u leh dadyawga labada dal.

Waxa uu sidaasi ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo uu u soo diray ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed maalinta Qaranka Itoobiya awgeed. Itoobiya waxay Isniintii u dabaal degtay 27 guurada Ginbot 20 oo ku astaysan markii la riday nidaamkii Dhergiga.

Waxa kale oo madaxweynaha Ruushku ku baaqay in la soo celiyo xidhiidhka taariikhiga ah ee Itoobiya iyo Russia waxaanu intaasi ku daray in labada dal xoojin doonaan xidhiidhkooda bahwadaagnimo ee dhinacyada ammaanka iyo xasilloonida Afrika.

Dawladda Itoobiya ayaa ah tan ugu saamaynta badan Geeska Afrika tan iyo 1991 waxaanay saamayn ku leedahay Afrika iyada oo hoy u ah xarunta madawga Afrika.

Bilihii la soo dhaafay ayay warbaahinta caalamku si weyn u qaada dhigtay in Ruushku doonayo soo celinta awooddiisii Afrika, iyada oo marinka uu ka soo galayo lagu sheegay saldhig uu ka samaysanayo degmada Saylac ee Somaliland.

Source: Fana

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.