Ruqo Ninkii Lahaa Dabada Hayaa ma Kacdo

0
1,033 views
Ruqo Ninkii Lahaa Dabada Hayaa ma Kacdo

Ruqo Ninkii Lahaa Dabada Hayaa ma Kacdo(Qalinkii Axmed Saleebaan Xirsi)

Allh haw naxariistee xukumadii Maxamed Siyaad Barre, ayaa waxay soo saari jirtay sigaar dalka lagu farsamayn jiray oo la odhan jiray Ubax. Eyadoo xukumadaasi ka shidaal qaadanaysa in la dhiiri galiyo wax-soo-saarka dalk, ayaa waxay dadka sigaarka caba ku boorin jirtay in cabaan Ubaxa oo faraha laga qaado sigaarada kale sida Bensal iyo Royal.
Ruqo Ninkii Lahaa Dabada Hayaa ma Kacdo

Waxay madaxdu ka dheregsanayeen in ay tahay inay eyagu bilaabaan dhiirigalinta sigaarka dalka oo dadka shicibka ah wax la tuso intii wax loo sheegi lahaa .wuxuu Maxamed Siyaad Barre samayn jiray intuu baakidhka sigaarka Ubaxa soo qaato ayuu ku riday sigaarka Beensalka la yidhaa , markaasuu odhan jiray markuu fagaaryasha dadka kala hadlayo “ iimaanka allah haydinka qaadee , Ubaxa caba anaguba kaasaanu cabnaaye” intuu xabad beensala oo baakidh Ubax ku jirta jeebka kala soo baxo .

Hadaba xukumada manta talada haysa, ee leh shilling baanu dhiiri galinaynaa waxay ka dhigantay qoladii dadka ku odhan jirtay Ubaxa caba eyana Bensalka cabi jiray , waliba xitaa caqligii baakidhaka la bedelayay iyagu kumay darinoo toodu waa daahir yaa shaamis.

Maanta hadaad xafiis dawkladeed tagto oo aad lacag bixinayso , lagaa qaban maayo lacagta dalka ee shillingka , waxa lagu odhanayaa soo bedel oo doollar noo keen.
waxaana ka markhaati ah Receiptka la siiyo dadka marka lacagta laga qaado .
ma waxay garan waayeen sidii Siyaad Barre yeela oo doollarkana qaata reciept-kana shilling ku qora .

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.