Reer Laascaanood Oo Diidan Hadalka Madaxweyne Deni

0
Reer Laascaanood Oo Diidan Hadalka Madaxweyne Deni

Reer Laascaanood Oo Diidan Hadalka Madaxweyne Deni
Sida ay ku warramayso warbaahinta Caasimada oo fadhigeedu yahay Muqdisho waxa maanta kadib Salaadda Jimce la filayo in bulshada reer Laascaanood muujiso dareen ay kaga soo horjeedaan hadalkii madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ku sheegay in Somaliland ku xadgudubtay gobollada Sool iyo Sanaag.

Somaliland iyo Puntland muranka u dhexeeya ayaa gobollada Sool iyo Sanaag Bari ku suntay dhul lagu muransan yahay “Wax iska caadi ah ayey noqotay in hoggaamiyeyaasha Puntland ay collaada gobolka Sool ka dhigtaan wax lagu kaambeen gareeyo maalmaha doorashada iyo marka uu madaxweyne waqtigiisa sii dhammaanayo “, waxaa sidaas Caasimada u sheegay mid ka mid ah dhallinyarada dibad baxa soo qaban qaabisay.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan u sheegeynaa madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland in aanan doonayn in lagu dul dagaallamo reer Sool oo hadda haysta nabad marka madaxda maamulkaas yaanay xaalad abuur noqon.”

Geesta kale Prof Yuusuf Aflahaar oo ka hadlay arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in bulshada reer Sool magacooda lagu bahdilay weedhaha siyaasiyiinta Puntland adeegsato ee ah in la xoraynayo “Kuwo badan oo had iyo jeer idaacadaha la taaggan Sool baa la xoraynaya waar Sool reer Laascaanood baa jooga e yaa laga xoraynaya? Ma anaga nalaga saaraya oo dad kale ayaa la keenaya? Eraygaasi sumcaddeena iyo magaceenaba waa baabi’iyay oo waa dilay anigu garan maayo waxay ka helayaan,” Sidaas ayuu Prof-ku u sheegay Bulshada reer Laascaanood oo uu hadal u jeedinayay
Mashruuca Somaliland wuu khaldan yahay,”madaxweynaha cusub ee Puntland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.