“Reer Berbera Kabaha Ayay Xadaan Anigu Odhan Maayo Oo Gobta Subeer Awal Ayaa Fadhida, Laakiin Aniga Iyo Muuse Biixi Kaayaga Day-day Noqda Waa La Arki Doonaan” Suldaan Sabayse.

0
4 views

 

“Xadhigaygu Wuxuu Ka Dhashay Taageerada Aan U Hayo Murashaxa Bilaa Godobta Ah Ee Jamaal Cali Xuseen”  Suldaan Mawliid Sabayse

Suldaan Mawliid Cali Ibraahim (sabbayso) oo ka mid ah madaxdhaqameedka beesha Subeer Awal ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xadhigii dhawaan ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo kula kacday, waxaana uu Suldan Sabayse xadhigiisa ku xidhiidheyey guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inaanu taageere u ahayn taasina ay tahay ujeedada ugu wayn ee loo xidhay.

sabayste

 

Suldaanka oo ka hadlay munaasibad caaqil cusub lagu caleemo saarayay oo ka dhacday degmada Dubur ee gobolka Saaxil ayuu Suldaanku ka sheegay in xadhigiisu ku qotomo taageerada uu u hayo Jamaal Cali Xuseen iyo waliba mucaaradada uu kala hor yimi Muuse Biixi Cabdi murashaxa madaxwayne ee xisbul xaakimka.

Geesta kale Suldaan Mawlid ayaa sheegay inuu xaal u diriyo shacab waynaha reer Berbera oo uu tibaaxay inuu Muuse Biixi aflagaadeeyey, arrintaasna uu xaal ka bixinayo, Suldaan Sabayse oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Anigu odhan maayo reer Berbera Kabahay dadka ka Xadaan ee waxaan leeyahay Gobonimada Somaliland Berbera ayey fadhidaa, taas horena Xaal ayaan ka bixinayaa,… xadhigaygu wuxuu ka dhashay taageerada aan u hayo Musharraxa bila Godobta ah ee Jamaal Cali Xuseen, halkan waxa fadhiya Nin Mutacalim ah oo ku jira Boqolka Nin ee adduunka ugu sarreeya, Jamaal cali Xuseen nin qaali ah weeye, waananu Taageersanahay dhamaantayo oo hiil iyo hooba waanu la garab joognaa”

Suldaan Mawliid Cali Sabayse ayaa sidoo kale beeniyey in qori lagu qabtay dartii loo xidhay, waxaana uu buunbuuninta wararkaas ku eedeeyey Muse Biixi, isagoo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“beesha Subeer Awal waa beel ballaadhan Somaliland-na waxbaynu la leenahay, kolay waxa jiray beri dhoweyd oo qoryo nalagu Sawiray oo la yidhi sallaadiintaasi qoryo ayey siteen, laakiin anigu madashan kaga jawaabi maayo oo waa madal dhaqan, balse aniga iyo NinkiiTv-ga ka hadlay Midkaayo ayaa Day-day noqon doona”. Suldaan Mawliid Sabeys.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here