Raysal Wasaaraha Somalia: Maxaad Kala Socotaa Doorkii Uu Kulahaa Wareejinta Badda Somalia, Xidhiidhka Uu La Leeyahay Al-shabaab iyo Cidda Ka Dambaysay Magacaabistiisa??

0
91 views

Madaxwaynaha Cusub ee  dalka Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa shalay soo magacaabay Raysal Wasaaraha afarta sano ee soo socda hogaamin doona xukuumadiisa, waxaana uu jagadaas u magacaabay nin ku cusub siyaasadda Somalia oo lagu magacaabo Xasan Cali Khayre kaasoo noloshiisa intii ugu badnayd ku qaatay dalalka Norway iyo Ingiriiska.

Hadaba Wargayska Somalilandtoday ayaa idinla wadaagi shakhsiyadda dhabta ah ee Xasan Cali Khayre, taariikh nololeedkiisa iyo halka uu ka soo galay siyaasadda Somalia.

Ugu horayn Xasan Cali Khayre, waxaa uu ku dhashay dalka Soomaaliya sanadkii 1967-dii. Waxaa uu waxbarashadiisa dhinaca dugsiga uu ku soo qaatay magaalada Muqdisho.

Jaamacadda University of Oslo, ayuu ka baxay intii u-dhaxeysay 1994-98, waxaa uuna ka diyaariyay darajada 1aad ee Cilmiga Siyaasadda iyo Sociology. Darajada 2aad ee Master-ka  ayuu ka qaatay  MBA Jaamacadda Edingbourought ee dalka Scotland sanadkii 2001.

89F9578F-86DC-497E-B477-F1FC1BF5D329_w1023_r1_s

Xasan Cali Khayre waxa uu ka soo jeedaa Degmada Ceelbuur, gaar ahaan beesha Murursade-Hawiye, waxaana uu xidid la yahay Madaxwaynaha Somalia.

Raysal Wasaaraha cusub waxa uu qabaa gabadh ay walaalo yihiin Madaxwayne Farmaajo sidoo kalena Madaxwayne Farmaajo ayaa isaguna qaba gabadh ay isku jilib yihiin Xasan Cali Khayre.

Xasan Cali Khayre ayaa saamiyo ganacsi ku leh sherkadda Som Oil and Gass iyo Sherkad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Fishguard taas oo loo saxiixay ilaalinta badda Somalia iyo kaluumeysiga.

Sidoo kale warbaahinta Somalia qaarkeed oo uu Wargayska Somalilandtoday soo xigtay ayaa qortay in Raysalwasaaraha cusub ee Somalia Xasan Cali Khayre lug kula jiray arrimaha siyaasadda Somalia afartii sano ee la soo dhaafay, waxaanay wararka qaar sheegayaan inuu gacan wayn ku lahaa magacaabistii raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke waxaana uu isku xidhay Xasan Sheekh Maxamuud oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen iyo Cumar Cabdirashiid oo hore Raysal Wasaare uga noqday Somalia, sidoo kalena Xasan Cali Khayre ayaa  la sheegay inuu ka tirsanaa koox diimeedka Damujadiid.

Warbaahinta reer Xamarka ayaa baahisay inuu Xasan Cali Khayre ka mid ahaa shakhsiyaadkii abaabulay in badda Somalia lagu wareejiyo Kenya, waxaana ay intaas ku dareen inay dawladaha Kenya, Itoobiya iyo Norway gacan wayn ku lahaayeen magacaabista Xasan Cali Khayre.

Kooxda UN  Monitoring Group, ee Qaramada Midoobe u-qaabilsan cuna-qabateyta wadamada Somalia iyo Ereteria ayaa sheegtay sanadkii 2014-kii in Xasan Cali Kheyre uu Xidhiidh  dhow la leeyahay Xarakadda Alshabaab inkastoo ay markii dambe sheegeen inaanay hayn cadaymo waafi ah.

Ugu dambayn dadka falanqeeya siyaasadda Somalia ayaa tilmaamaya in Madaxwayne Farmaajo uu hoos u dhigay rajadii laga qabay isla markaana ay shacabka Somalia candhuuftooda dib u liqayaan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.