Ra’isal Wasaare Khayre Iyo Farmaajo Oo Si Is Khilaafsan Uga Jawaabay Go’aanka Maamul Gobolleedyada

0
117

Muqdisho(Sayruuq)  Raysal wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay xuska munaasabada maalinta calanka Soomaaliya kaga hadlay xaaladaha adag ee siyaasadeed ee uu hadda Soomaaliya marayso.

Khudbada raysalwasaaraha waxaa ay daba socotay war saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, taas oo uu kaga jawaabay war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii shalay Kismayo ugu soo gaba gaboobay madaxda Maamul goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo oo saacado kadib go’aanka madaxda maamul gobolleedyada soo saaray war qoraal ah waxa uu sheegay in uu si dhaw ula socdo dareenka ay muujiyeen madaxda maamulladu, islamarkaana uu midnimo ku baaqayo laakiin, luuqada dabacsan ee Farmaajo waxa si khilaafsan u hadlay Xasan Cali Khayre oo hanjabaad hawada mariyay, islamarkaana muujiyay in aanu cidna u joojin doonin.

Ra’isal wasaaraha oo wajigiisa iyo hadalkiisaba cadho laga dheehanayay waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay umadda Soomaaliyeed haddii ay jiri jirtay 27-kii sanno ee la soo dhaafay in marka is jiid-jiid yimaaddo madaxdu niyad jabi jirtay madaxda idin hor taaggan maaha kuwaas. Haddii uu jiro qof Soomaaliyeed oo ka warwarsan maalmaha la qaylinayo ama buuq siyaasadeed dhacaya oo dib baa loo laabanaya waxaan idiin ballan qaadaya in aanu idinla marayno ilaa meesha u dambeysa. Soomaaliya waxay ku socota meel barwaaqo ah anaga ayaa idiin soo aragnay meesha barwaaqada ah,” Sidaas ayuu yidhi Mr Khayre.

Hadallada uu xalay jeediyay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa gabi ahaanba khilaafsana qoraalka uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqayay midnimada iyo in la helo wada shaqayn, islamarkaana uu si dhaw ula soconayo dareenka hoggaamiyeyaasha gobollada. Khayre ayaa hadalkiisa ku daray in aan loo joojin doonin dadka danaha leh.

Madaxda 5-ta maamul gobolleed ee Soomaaliya ayaa shalay samaystay Gole isbahaysi oo ay ka hoos galayaan faro gelin ama awood xukumadda dhexe ku yeelato hawlahoda waxaanay hoggaamiye u doorteen Cabdiwali Gaas madaxweynaha Puntland. Waxay joojiyeen hawlo dib u eegista dastuurka iyo xeerarku ka mid yihiin oo ay la wadeen dawladda dhexe. Arrimahan waxa sal u ah khilaafka Carabta oo maamul gobolleedadu la safteen dawladda Sucuudiga, halka xukumadda dhexe taaggan tahay boos dhexdhexaad ah

Sayruuqnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here