Ra’isal Wasaare Abiy Axmed Oo Dib Loo Doortay

Xisbiga Oromada waxa laga eryay 14 xubnood oo ahaa kaadirkii xisbiga ee muddo dheer

0
973 views
Ra’isal Wasaare Abiy Axmed Oo Dib Loo Doortay

Ra’isal Wasaare Abiy Axmed Oo Dib Loo Doortay
Addis Ababa(Sayruuq) Xisbiga Dimuquraadiga Oromada ayaa mar kale hoggaamiyaha xisbiga u doortay ra’isal wasaare Abiy Axmed oo xilkaasi loo doortay ka hor intii aanu ra’isal wasaaraha noqon. Sidoo kale ku xigeenkiisa ayaa loo doortay Lemma Megersa madaxweynaha gobolka Oromada oo isna xilkaasi hore u hayay.
Waxa kale shirweynaha xisbiga maalmahan socday lagu doortay xubnahan oo ka mid ah guddida fulinta xisbiga ka taliya Itoobiya iyo Xisbiga Oromada.
1. Dr Abiy Ahmed

2. Lemma Megersa

3. Dr Workneh Gebeyehu

4. Berhanu Tsegaye

5. Shimeles Abdisa

6. Addisu Arega

7. Adanech Abebie

8. Fekadu Tessema

9. Dr Alemu Sime


Geesta kale xisbigu waxa uu bedelay magaciisa iyo astaantiisa. Magaca oo hore u ahaa Oromo People Democratic Organization (OPDO) waxa loo bedelay Oromo Democratic Party (ODP).


Waxa kale oo la ruqseeyay 14 xubnood oo ahaa ruug caddaa wakhti dheer ku soo jiray xisbiga Oromada kuwaas oo kala ahaa:
1. Abadula Gemeda

2. Getachew Bedane

3. Kuma Demeksa

4. Ambassador Girma Biru

5. Diriba Kuma

6. Eshetu Desie

7. Teferi Tiyaru

8. Shiferaw Jarso

9. Degfe Bula

10. Suliman Dedefo

11. Abera Hailu

12. Itefa Tola

13. Dagnachew Shiferaw

14. Ambassador Gifti Abasia

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.