Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Si Badheedh Ah Gobollo Somaliland Ah U Raaciyay Puntland

0
517 views

Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Si Badheedh Ah Gobollo Somaliland Ah U Raaciyay Puntland

Garoowe(Sayruuq) Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Somalia ee Puntland ayaa u muuqda mid si badheedh ah gobollada Bariga Somaliland u raaciyay maamulka Puntland. Waxaanu xuddunta Daraawiishta ku sheegay Puntland inkasta oo ay ahayd gobolka Sool oo Somaliland gacanta ku hayso.

Ra’isal wasaare Khayre oo ammaan badan u kiishay bulshada reer Puntland wuxuu taariikhda daraawiishta ee ay caanka ku yihiin gobollada Sool iyo Sanaag u hibeeyay reer Puntland taas oo u muuqata in uu si indho la’aan ah uga badheedhay arrintaasi. Qaar ka mid ah bulshada ka soo jeeda gobolladaasi ayaa baraha bulshada kaga dareen celiyay iyaga oo is waydiinaya in ay aqoon darro dhanka dhulka ah ka tahay iyo in uu badheedh u sheegay arrintaasi.

“Mudane Madaxweyne waxaan adiga iyo shacabkaaga uga mahadcelinaya sida aad iigu soo dhawayseen dhulkii Udugga iyo Beeyada, waxaan idiinka mahadcelinaya sida quruxda badan ee aad iigu soo dhawayseen dhulkii saldhigga u ahaa horumarka iyo ilbaxnimada Soomaaliyeed, waxaad ku mahadsantihiin mudane madaxweyne iyo shacabka sharafta leh ee reer Puntland in aad nagu soo dhawayseen dhulkii xudunta u ahaa Halgankii Daraawiishta,” Sidaas ayuu yidhi Ra’isal wasaare Khayre oo fagaare kala hadlayay dad soo dhaweeyay.

Hadalka ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa imanaya xilli Somaliland iyo maamulka Puntland isku hor fadhiyaan degmada Tukaraq ee gobolka Sool kuna muransan yihiin cidda xaq u leh maamulka iyada oo doodo xuduudeed iyo isir la isku haysto. Dhawaan ayuu Faysal Cali Waraabe sheegay in Farmaajo ka dhaartay in uu wax lug ah ku leeyahay abaabulka qabiilaysan ee Cabdiwali Gaas ku wado dagaalka Tukaraq.

Geesta kale warbaahinta Puntland oo ka faalloonaysa ujeedka socdaalka ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre ee xilligan ayaa sheegaya in Gaas iskaga jeedinayo indhaha shacabkiisa maaddaama culays ka haysto doorashada la filayo in ay Puntland ka dhacdo dhawaan iyo culayska dagaalka Tukaraq. Halka Khayre ay u tahay fursad uu bulshada kaga mashquuliyo culaysyo dhanka amniga iyo siyaasadda ah oo Muqdisho ku haysta.

Source: Wargeyska Waaberi

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.