Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Maanta La Dooranayo

0
597 views
Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Maanta La Dooranayo
Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga EPRDF

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Maanta La Dooranayo

In muddo ah waxa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulan uga socday golaha dhexe ee isbahaysiga hoggaamiya Itoobiya ee EPRDF waxaana kulankaasi ka sii horeeyay kulanka golaha fulinta ee xisbiga oo lagu lafo guray ajandaha kulanka golaha dhexe.

Wargeyska Addis Standard ee Itoobiya ka soo baxa ayaa maanta sheegay in codaynta ra’isal wasaaraha cusub ee sida weyn loo sugayay maanta dhacayso “Sida Addis Stardard xaqiijiyay kulanka maanta ay yeelanayaan 180 xubnood ee golaha dhexe ee xisbiga EPRDF waxay samaynayaan codayntii sida weyn loo sugayay ee doorashada ra’isal wasaare cusub. Shalay xubnuhu waxay u dabaal degeen 28 guurada ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga OPDO(Xisbiga Oromada ee ka tirsan EPRDF),” Sidaas ayuu wargeysku ku qoray boggiisa Twitter-ka.

Lama oga cidda uu noqon doono ra’isal wasaaraha cusub laakiin, waxa si weyn loo hadal haya in markii u horaysay Itoobiya yeelanayso ra’isal wasaare Muslim ah oo ka soo jeeda xisbiga Oromada ama xisbiga Axmaarada. Waxa si weyn loogu badinaya xisbiga Oromada inkasta oo ay jiraan khaladaad loo haysto xisbiga oo ay ka mid tahay in ay diideen xaaladda degdegga ah ee dalka la galinayay.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here