Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Jigjiga Imanaya        

0
582 views
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xaaladda Jigjiga Iyo Diridhaba

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Jigjiga Imanaya

Ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali ayaa socdaalkiisii u horeeyay ee gobollada Itoobiya ka bilaabaya dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya waxaanu maanta soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad degaanka. Dawladda iyo dadweynaha Soomaalida ayaa u diyaar garoobay sidii ay si diirran ugu soo dhaweyn lahaayeen ra’isal wasaaraha oo socdaalkiisa bilaabay xilli aanu xukumaddiisa soo dhisin.

 

Wariyaha BBC-da ee Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa sheegay in bulshadu si weyn u soo dhawaynayso socdaalka ra’isal wasaaraha. Waxa uu sheegay in uu kulan la yeelan doono odayaasha degaanka iyo madaxda dawlad degaanka.

Sababta uu socdaalkiisa uga bilaabay Jigjiga ayaa la rumaysan yahay in ay tahay in uu meesha ka saaro tuhunka ah in Soomaalidu sas ka qaaday awoodda loo dhiibay Oromada oo ay hore iskugu dhacsanaayeen siiba xilligii Oromadu halkan ka ku jirtay oo dawlad degaanka Soomaalidu si xamaasad leh u taageerayay Federaalka taas oo keentay isku dhaca dawlad degaanka Oromada iyo Soomaalida.

Dr Abiy Axmed Cali oo ka hor intii aan la dooran bixiyay waraysi uu kaga hadlayo khilaafaadka gudaha ee caqabada ku ah Geeska Afrika wuxuu ku soo daray xafiiltanka u dhexeeya bulshada Garraha ee Soomaalida iyo Oromada oo isku dhacyo badan dhex maraan. Soomaalida ayaa qoomiyadda saddexaad ee ugu badan ah Itoobiya iyada oo Oromada iyo Axmaaradu ka horayso.

Waxa la filayaan in socdaalka Ra’isal wasaaruhu xoogga saaro sidii meesha looga saari lahaa isfaham la’aanta Soomaalida iyo Oromada, islamarkaana waji cusub loogu yeeli lahaa, halka kala shakigu sii badan lahaa.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.