Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Arrimaha Doorashada Iyo Dekedda Berbera Kala Hadlay Musharrax Muuse Biixi

0
163

Addis Ababa(Sayruuq) Guddoomiyaha ahna musharraxa madaxweynaha Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyay joogay magaalada Addis Ababa ayaa shalay kulan la yeeshay ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn. Kulanka ayaa lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka Somaliland, dekedda Berbera iyo ammaanka.

“Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo wefti ka socday Somaliland  ayaa  falanqeeyay  sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada dhinac. Itoobiya iyo Somaliland ayaa iska kaashada dhinacyada Ganacsiga, Kaabeyaasha  dhaqaalaha iyo arrimaha nabadgelyada” sidaas ayaa lagu sheegay warbixin ay baahisay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA.

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in dekedda Berbera qayb ka ahayd arrimaha diiradda la saaray “Kulankii dhexmaray Ra’iisul-wasaare Hailemariam iyo  weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayay Guddoomiyaha xisbal xaakimka KULMIYE ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa lagu lafo-guray  sidii si horleh kor loogu qaadi lahaa cilaaqaadka labada dhinac.  Waxa shirkan lagu gorfeeyay  doorashada Somaliland ka qabsoomaysa  iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya ee  ku wajahan Ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo qodobbo la xidhiidha dekedda,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta ENA.

Sida uu wakaallada ENA u sheegay  madaxa warbaahinta ee xafiiska  Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Zadg Abreha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa u u sheegay  ENA  in kulanku si fiican u dhacay, islamarkaana laga wada hadlay kor u qaadista xidhiidhka labada dal iyo la dagaallanka wixii nabada wax yeelaya sida Alshabaab.

Dawladda Somaliland iyo shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World ayaa dawladda Itoobiya siiyay saami dhan 19% laakiin, arrintaasi lama dhammaystirin. Shirkadda ayaan sidoo kale horumar muuqda ka gaysan dekedda waxaana gaabiskan lagu sheega in ay ka dhursugayaan dawladda cusub ee Somaliland ka dhalata.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale marti qaad u fidiyay xisbiga Waddani waxaana shalay galinkii dambe Addis gaadhay musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo xubno hoggaanka sare ah oo kulan la qaadan doono ra’isal wasaaraha. Itoobiya ayaa ammaanka Somaliland si weyn ugu tiirsan, islamarkaana haatan wajahaysa xiisado gudaha ah waxaana suuro gal ah in ay ka mid tahay dawladdaha danaynaya in doorashada Somaliland si nabad ah u dhacdo, islamarkaana ay xidhiidh fiican la yeelato dawladda dhalata.

Sayruuqnews/office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here