Raila Odinga oo ku tilmaamay Uhurro Kenyatta Caawiyaha Argagixisadda!

0
25 views

Hogaamiyaha mucaaradk Kenya Raila Odinga oo boqolaal Kenyaan ah la hadlaayay ayaa sheegay in la aasi doono Kenya haddii ay dhacdo in mar kale uu soo laabto Madaxweynaha sii haya xilka ee Uhurro Kenyatta.

Raila Odinga waxa uu sheegay in Uhurro Kenyatta uusan mudneyn inuu sii hayo xilka, kadib markii uu ku tilmaamay inuu yahay qaa’inul wadan, sida uu hadalka u dhigay.

Raila Odinga, ayaa tilmaamay in Uhurro Kenyatta uu dalk ka dhigay Syria iyo Cirqaad oo uu ula jeedo inuu awood siiyay Al-shabaabka burburka ku haya Kenya.

Nuqul kamida hadalkiisa ayaa ahaa ”Al-shabaab waxa ay Kenya la imaadeen Uhurro Kenyatta suuragal maaha in looga sii aamuso inuu sii dhameystiro rajada yar ee ku harsan dalkeena”

”Kenyatta waxa uu dhiiri galiye u yahay Al-shabaabka ku jira Kenya, waxaa arrin khalad nagu ah inaan ku daawano dhibta uu ku hayo dalka waa inaan ka tuurnaa kursiga”

Sidoo kale, Raila Odinga waxa uu cadeeyay in awooda ugu badan uu saari doono sida uusan kusoo laaban laheyn Uhurro Kenyatta oo uu ku tilmaamay shaqsi rajo beel ku riday dadka.

Geesta kale, Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay codka siiyaan si uu kursiga uga laalo Madaxweynaha sii haya xilka ee Uhurro Kenyatta.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.