“Ragii I Weeraray Alshabaab Bay Ku Noqdeen,” C. Shakur

0
602 views
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Dhalliilay Warqadda Xukumadda Farmaajo Deeqaha Ugu Diidayso Somaliland

“Ragii I Weeraray Alshabaab Bay Ku Noqdeen,” C. Shakur

Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo bishii December ee 2017 gurigiisa la weeraray ayaa hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ku eedeeyay in ay Alshabaab la macaamisho. Waxa uu sirdoonka ku eedeeyay in ay wada shaqayn la leedahay kooxda Alshabaab.

Qoraal uu ku baahiyay boggiisa baraha bulshada waxa uu ku sheegay in 8 ka mid ah ciidankii fuliyay weerar gurigiisa lagu galay ay dib ugu noqdeen Alshabaab kuwaas oo markii hore la sheegay in ay Alshabaab iska soo dhiibeen oo ciidamada yihiin.

“Waxaan hadda ku ogaaday xog aan ka helay NISA in 8 ka mid ah kuwii fuliyay weerarkii sanadkii hore gurigayga lagu qaaday ooh ore Alshabaab uga yimid dib ula midoobeen Alshabaab,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo intaasi raaciyay in arrintani tahay tilmaan cad oo muujinaysa sida qotoda dheer ee ay Alshabaab iyo NISA isula falgaleen.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.