Rabshado Ka Soo Cusboonaaday Addis Ababa

0
868 views
Isu Soo Bax Weyn Oo Addis Ababa Ka Dhacaya

Rabshado Ka Soo Cusboonaaday Addis Ababa
Addis Ababa(Sayruuq) Maalmihii u dambeeyay isku dhacyo iyo dibad baxyo rabshado wata ayaa ka soo cusboonaaday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Rabshadaha ayaa salka ku haya astaamaha iyo calamada kadib markii dhalinyaro badan oo gobolka Oromada ka tagtay la galeen calamadooda iyo waliba calanka jabhaddii Oromada ee OLF.

Meelaha la wada leeyahay, gidaarrada iyo jidadka ayay Oromadu ku xardheen astaamaha iyo calamadooda iyaga oo calamada gobolkooda iyo Oromada ka taagay meelo badan. Dhallinyarada Addis Ababa ayaa iyaguna bilaabay in ay masaxaan ama dejiyaan calamada taas oo bilawday isku dhacyo.

Oromada ayaa Addis Ababa u tagay soo dhawayn balaadhan oo loo samaynayo wefti sare oo ka socda OLF oo uu hoggaaminayo guddoomiyahooda Dawud Ibsa. Soo dhawaynta oo ah mid balaadhan waxa abaabulay dawlad degaanka Oromada waxaana lagu soo dhawaynaya Sabtida magaalada Addis Ababa.

Madaxa booliska Jeneraal Zeynu Jemal waxa uu sheegay in baabuur la burburiyay la iskuna dayay in la gubo xarun boolis iyada oo la adeegsanayo quraarado baadrool lagu shubay. Waxa uu soo jeediyay in rabshadaha la joojiyo haddii kale boolisku si ba’an tallaabo uga qaadi doono.

Ra’isal wasaare Abiy Axmed oo telefishanka dawladda ka hadlay wuxuu dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan, isu dulqaatan wada hadalna lagu dhammeeyo halkii rabshado laga adeegsan lahaa. Waxa uu sheegay in xorriyatul qawlka iyo xorriyadda siyaasadeed ee xukumaddiisu bilawday keentay in qof walba qaato calankiisa ama astaanta u taagan.

Wasiirka warfaafinta dawlad degaanka Oromada Dr Negeri Lencho oo bulshada ku wargelinayay soo dhawaynta hoggaanka sare ee OLF waxa uu sheegay in cid walba calanka ikhtiyaarkeeda ah qaadanayso “Qof kasta xaq buu u leeyahay in uu qaato astaanta ama calanka isaga u taaggan,” Sidaas ayuu yidhi Dr Negeri Lencho.

Waxa kale oo uu rabshadaha ka dhashay calamada iyo astaanta ku macneeyay mid aan la aqbali Karin waxaanu ku baaqay in soo dhaweyn weyn la sameeyo marka munaasibaddu dhammaatana ammaanka la ilaaliyo sida ay ku warrantay wakaaladda FANA.
Xukumadda Dr Abiy Axmed ayaa heshiis la gaadhay ururka OLF oo fadhigiisu ahaa Ereteriya waxaana loo ogolaaday in wixii ay tabanayaan ka hawl galaan dalka gudihiisa.

SOURCE: ADDISSTANDARD
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.