Qoysas Maraykan Ah Oo Ku Xannibay Dalka Jabuuti

0
524 views
Qoysas Maraykan Ah Oo Ku Xannibay Dalka Jabuuti

Qoysas Maraykan Ah Oo Ku Xannibay Dalka Jabuuti

Qoysas Maraykan ah ayaa ku xanniban Waddanka Jabuuti ee Geeska Afrika ku yaalla. Qoysaska qaarkood ayaa ka soo qaxay dalka Yemen ee colaaddu hilfaha u laabtay waxaanay hadda qaxoonti ahaan u yimaadeen Waddanka Jabuuti. Warbaahinta Maraykanka oo waraysatay qoysaska qaarkood ayaa sheegaya in go’aankii Madaxweyne Trump dalal Muslimiin ah kaga mamnuucay Maraykanku saamayn ku yeeshay muwaadiniin badan oo Maraykan ah.

“Waa qoysas Yemeni Ameerikaan ah. Qoysaskan dadkooda qaar badan waa muwaadiniin Maraykan ah laakiin, waxay ku jiraan halis maxaa yeelay hannaanka qaxoontiga ee Maraykanka oo si gaabis ah u socda iyo xannibaaddii uu soo rogay Madaxweyne Trump ee dhawr waddan oo Yemen ka mid tahay,” Sidaas ayuu yidhi wariye warbixin ka diyaariyay xaaladda qoysaskan.

Wariyaha ayaa la waydiiyay waxa iska bedelay ballankii Madaxweyne Trump ee ahaa in waxa laga shaqaynayo tahay wanaagga reer Maraykan(America First) waxaanu ku jawaabay “Sidaasi waa wixii madaxweynaha iyo la taliyeyaashiisu yidhaahdeen, laakiin waxa xusid mudan in arrintaasi saamaysay muwaadiniin Maraykan ah,” Sidaas ayuu yidhi isaga oo sheegay in ay qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Waqooyiga Ameerika warbixino arrintan lagu xaqiijinayo ka soo diyaariyeen.

Qoysaskan badhkood haysto dhalashada Maraykanka ayaa la waraystay waxaanay sheegeen in go’aanka Trump kala qaaray. Muwaadiniinta Maraykanka jooga ee qoysaskoodu joogaan Jabuuti ayaa ku warramay in ay bil kasta biil u soo diraan ehelkooda oo carruur iyo waalid isugu jira kuwaas oo uu xannibay go’aanka Maraykanku una horseeday duruufo.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.