Qorshihii Xukuumadda Ee Qiimaha Shilinka Somaliland Oo Fashilmay

0
904 views
Guddida Xakamaynta Qiimaha Shilinka Somaliland

Qorshihii Xukuumadda Ee Qiimaha Shilinka Somaliland Oo Fashilmay, Culays Bulshada Ku Sii Kordhay Iyo Farqiga Gacanta Dambe Ee Dollarka Oo Danyarta Aad U Naafeeyey

Hargeysa(Sayruuq)- Isku Daygii iyo qorshihii ay la timid Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee la xidhiidhay wax ka qabashada qiimo dhaca shilinka Somaliland iyo la dagaalanka Sicir Bararka ayaa u muuqda mid gabi ahaanba fashilmay oo aan waxba soo kordhin isaga oo dhibtii hore Bulshada u haysatay uun ku sii laban laabay taasi oo aan haba yaraatee waxba soo kordhin sicir bararka iyo qiimo dhaca shilinkuna halkiisii ka sii socdo halka aan odhan karno Baanka Dhexe ayaa isna waxa uu ku fashilmay in uu xadeeyo qiimaha Shilinka Somaliland.

Tan iyo go’aamadii ka soo baxayay Guddida Madaxweynuhu u saaray qiimo-dhaca shilinka ayaanay waxba iska baddalin haba yaraatee qiimaha lacagta Doollarka iyada oo ay maalmihii ugu dambeeyey soo baxayaan dhibaato hor leh oo bulshada dhiig miirasho ku ah marka laga hadlayo isku baddalka sarrifka ee gacanta hore iyo Gacanta dambe taasi oo farqi weyni u dhaxeeyo qiimaha uu baanku sheego in uu u gooyey in lagu kala iibsado lacagta Doollarka iyo Qiimaha dadka lagaga iibiyo Doollarka, iyada oo aanay cidina dheg u dhigin qiimaha baanka oo kaliya ku eg farriimo uu moobilka ku soo diro oo aan xaqiiqo ahaan waxba ka baddalin suuqa sarrifka ee moobilada iyo wax iibsigaba.

Meheradaha Ganacsiga iyo goob kasta oo wax laga iibsado ayaa waxa ay shacabka Halka Doollar kaga qaadanayaan in ka badan 11-kun oo Shilin Somaliland ah marka ay dadku Moobilka ku sitaan lacag Kaash ah iyada oo qiimaha Baanku dhigayo in gacanta dambe lagu kala iibsado 10,300 oo shilling waxaana sidaasi farqiga u dhaxeeyaa ku noqonayaa 700 oo shlin Somaliland ah, haddii uu qofku ku doodo waar miyaanu Halka Doollar ahayn 10,300 uu qofka meheradda haystaa iska dhago marinayo qiimaha baanka oo uu ku sheegayo mid aanay waxba ka khusayn.

“Adeer ama iska bixi lacagta oo halka Doollar waxaan ku bixisaa 11-kun oo Somaliland shilin ah ama iska tag waxba ha naga iibsane” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah meheradaha suuqa Hargeysa oo qof muwaadin ah wax ka iibinayay.
Arrinka layaabka leh ayaa ah is baddal la’aanta ka muuqata qiimaha shilinka Somaliland iyada oo bulshada culays kale ku sii kordhayo taasi oo marna lacagihii doollarka ahaa ee 100 ka doolar ka hooseeyey ee uu wax ku iibsan lahaa ay saamaysay go’aanka ma dhalayska ah ee xukuumaddu halka qiimihii lacagta kaashka ah ee uu haystayna hoos u sii socoto iyada oo aanay jirin cid wax iska waydiisay arrintaasi.

Illaa imika ma jirto cid ka tirsan guddidii arrinkan loo saaray oo dib dambe bulshada u hor timid iyada oo aanay tallaabooyinkii ay qaadeen aanay waxba iska baddalin ayaa waxa dhinaca kale sii socda qiimo korodh ku yimid maceeshadda daruuriga ah oo maalinba maalinba ka dambaysa sii kordhaysa iyada oo aan la ogayn qaababka uu Sicir Bararku u soo laba jibaarmayo.

Isku soo wada duuboo cidda kali ah ee dulman ee dhibaatada ugu weyni haysataa waa Bulshada ama shacabka Somaliland oo u badan dad danyar ah oo xaaladdooda nololeed ka sii darayso maalinba maalinta ka dambaysa halka saamayntii Baanka Dhexe noqotay mid aan jirin umadduna la yaabban tahay sida uu u matali karo baan awood u leh ama qaban kara wixii baan looga baahnaa waxayse xaajadu dib ugu noqonaysaa Madaxweynaha cusub ee umaddu soo dooratay oo dhawr jeer ku baaqay in uu wax ka qaban doono xaaladahan ragaadiyey nolosha shacabka oo maalinba maalinta ka dambaysa noloshoodu cidhiidhi sii galayso.

Go`aamadda sicir bararka

Wargeyska Foore

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.