Qoraa Maxamed Baashe Oo Xorriyadiisa Dib U Helay

0
1 views

Hargaysa(Sayruuq)Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan Oo ah Agaasimaha  telefishanka madax banaan ee Star Tv ayaa xoriyadiisii dib u helay ka dib markii dabayaaqadii todobaadkii tagay ay xabsiga u taxaabeen ciidamada nabad galyada Somaliland oo amar ka haysta xukuumada.

Qoraa maxamed baashe ayaa maxkamada gobolka maroodi jeex damaanad kusii daysay saaka balse waxaa ilaa xiligan oo lasii daayay meel kale ka haystay amaro kasoo baxaya qar kamida masuuliyiinta xukumadda iyo xubno awood dheerad ah leh oo is qarinaaya kuwaasi oo khatar galiyay habsami u socodka hawlaha gorsoorka iyo wada shaqayntii  xukuumadda dhexdeeda.. Taas oo keentay inay ururada saxaafadda iyo kuwa bulshadu saxaafadda la hadlaan oo soo bandhigaan sharci darrada iyo mulaaqa ka jira dawlad nidaamkii Dawladeed ee Dalka. Ugu danbayntiin rafaad iyo iska daba wareeg dheer kadib wakhti danbe ayaa la siidaayay.

Ma cada sobobta dhabta ah ee keentay xadhiga qoraaga balse waxa la filayaa in uu saacadaha soosocda la hadlo warbaahinta bedkana soo dhigo cida ku lug lahayd in xoriyada laga qaado.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here