Qodobo Kagan Oo Ka Soo Baxay Shirweynaha Garxajis

0
1,664 views
Qodob Aasaas U Ah Shir Beeleedyada Soo Noq-noqdey Xilliga Xukuumadihii KULMIYE
Sawir hore: Salaadiinta Garxajis oo shirkii Gacan Libaax fadhida

Qodobo Kagan Oo Ka Soo Baxay Shirweynaha Garxajis

Hargeysa(Sayruuq) Qodobo hor dhac ah oo shabakadda Sayruuq ka heshay arrimaha ka soo baxay shirweynaha beelaha Garxajis ee Tolwanaaje 2 ayaa u muuqda kuwo ku adag xukumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qodobada ayaa u muuqda kuwo dawladnimada shaki galinaya kuna macnaynaya mid ay cid gaar ahi ku macaashtay intii Somaliland jirtay.

1. In Midnimada In Garxajis ay ka tahay midka koowaad .

2. In Saami qaybsiga dawlada uu yahay mid aan cadaalad ku dhisnayn

3. In Kootada qandaraasyada dalka cid gaara ah la siiyay

4. In Sinaanshiiyo laan ay beeshu ku tirsaneyso shaqaalaha dawlada, ciidamada , saraakiisha ciidamada iyo waxii la mid ah

5. In Beelaha Somaliland inta tabashada qabta lala shiro si dib loogu soo noqdo Axdi qarameedkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay

6. Shir weynaha Beelaha Garxajis waxaa uu madaxweynaha ku adkeynayaa In la tix galiyo cabashadii soo noq noqotey ee beelaha daraf yada iyo beelaha Kale ee saamigoodu maqan yahay si ay hogaanka dalka ay qeyb uga noqdaan , xaquuqdooda Distooriga ahna helaan awood-na u yeeshaan doorkooda hogaamineed

7. Bulshada reer Somaliland ee Nabada jecel waxaa ay ka warhaysaa , dagaal laba sano ka socdey deeganka Ceel Afweyn ee u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah , aaney dhex ka aheyn xukuumada jirta iyo xukuumadii ka horeysay , waxaanu madaxweynaha Somaliland ugu baaqeynaa in cid kasta oo xukuumadiisa iyo golihiisa wasiirada ku jirta oo ka qeyb ah gacan bir ah ku qabto

8. Beesha Garxajis waxaa ay dhiigeeda iyo dhuuxeedau shubtey jiritaanka iyo madax banaaninada Somaliland , si loo helo dal la wada leeyahay , beesha Garxajis waxaa kaga dhintay 10 kun oo geesi waxaana kaga naafoobey in ka badan 10 kun oogeesi , sidaas awgeed waxaa ay beesha Garxajis ay digniin culus u direysaa cid kasta oo beesha ku sheegta qaran dumis .

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.