Qodobka 39aad: Sharciyan Sida Dastuurka Itoobiya Uu Dawlad Qoomiyadeed Ugu Xaqsiin Karo Madaxbannaani.

0
283 views
Qodobka 39aad: Sharciyan Sida Dastuurka Itoobiya Uu Dawlad Qoomiyadeed Ugu Xaqsiin Karo Madaxbannaani.

Qodobka 39aad ee dastuurka Itoobiya waxa uu si toos ah u qayaxayaa xaqa dastuur ee ay leeyihiin qoomiyadaha, jinsiyadaha iyo dadka Itoobiya.

Qodobkani waxa uu qirayaa in qoomiyad kasta, dhalasho amma jinsiyad kasta iyo guud ahaan dadka Itoobiya in ay xaq aan shuruudi ku xidhneyn u leeyihiin aayo-ka-tashi oo ay ku jirto goosasho iyo ku dhawaaqista madaxbannaanida qoomiyadaha doorbidaya in ay dal gaar ah noqdaan.

Qodobku Waxa kale oo uu sheegayaa in Itoobiya ay xaq muwaadinniinteeda u siineyso xorriyaadka hadalka iyo horumarinta qoraalka afkooda. Sidoo kale qodobka 39aad waxa uu xaq siinayaa in qoomiyadaha Itoobiya ku nooli ay horumarin karaan Afkooda iyo dhaqankooda si ay u ilaashadaan taariikhdooda u gaarka ah.

Sidoo kale qodobka 39aad ee dastuurka Itoobiya waxa uu xaq u siinayaa qoomiyadaha iyo guud ahaan dadka Itoobiya in ay xaq buuxa u leeyihiin samaysashada is-xukun u gaar. Is-xukunka kan waa in qoomiyaduhu ay ka sameysan karaan dhulkooda hay’aad dawladeed oo u gaar ah.

Sidaa si la mid ahna ay ku yeelan karaan dawladda Itoobiya guud ahaan saami buuxa oo matala qoomiyadaha is-maamulka leh. Iyada oo la gu saleynayo tirada guud ee qoomiyaddu qaranka u diiwaangashan tahay.

Qodobka aayo-ka-tashiga iyo goosashadu waxa uu u faahfaahsan yahay si kooban. Waxana uu tilmaamayaa goorta iyo xilliga qoomiyadi ay ka tashan karto aayaheeda haddii ay rabto madaxbannaani taam ah.

http://www.sayruuq.com/somaliland-waxa-27-sanno-cadow-u-liicin-waayay-midnimada-beesha-dhexe-m-hagi/

Shan farqadood oo hoos yimaadda qodobka 39aad ayaa qayaxaya xaqa goosashada dawladaha qoommiga ah ee ku hoos jira dhul weynaha Itoobiya. Shanta faraq tafsiir waxa ay u dhigan yihiin sida tan:-

  1. Waxa leh soojeedinta iyo ansixinta in qoomiyad amma is-maamul dawladeed uu ku dhawaaqo gooni isku taag qoomiyadda baahidaa qabta. Waana in barlamaanka qoomiyaddaasi uu saddex meelood labo meel uu ku meel mariyo marka hore.
  2. Waa in dawladda Federaalku ay dabadeedna abaabushaa hafti dadweyne muddo saddex sano gudaheed ah, ka dib marka ay hesho codsiga barlamaanka qoomiyadda aayo-ka-tashiga ku dhawaaqday.
  3. Si ay u ansaxdo madaxbannaanidu waa in shacabka intiisa badani 51% ay ku taageeraan madaxbannaanida qoomiyaddooda hab cod doorasho ah.
  4. Dabadeedna waa in dawladda dhexe ee federaalku ay awoodaha is-maamul ay u sii dayso barlamaanka dawlad qoomiyadeedka madaxbannaanida u codaysay.
  5. Intaa ka dib, waa in loo galo hawsha qaybsiga hantida oo uu xeer qayixi doono.

Marka aad eegto qodobka 39aad farqaddiisa shanaad waxa si toos ah kuu gu soo baxaya in goosashada Itoobiya aaney u suuro-galayn dhammaan qoomiyadaha Itoobiya marka la ga reebo qoomiyadda Tigraya.

Sababtuna waa in ay dhaqaale ahaan isbixin karto xag maamul iyo xag dayn celin labadaba. Qoomiyadda Tigraya oo Itoobiya xoog ku qabsatay 1991 waxa barlamaanka Itoobiya loo ga ansixiyey saami dib u noolaanshiyo ah oo dhanka dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka ah. Sidoo kale waxa ay Tigraya ka faa’idday dagaalkii Eritrea oo Itoobiya bad tiray.

Tigraya iyo Eritrea waa labo ummadood oo isku mid ah. Labaatankii sano ee Itoobiya iyo Eritrea ay kala xidhnaayeen 1998-2018; ganacsiga Tigraya noociisa Transit and Trade loo yaqaan waxa uu ku xidhnaa Massawa. Waa halkaa halka Tigraya ay kaga dheeraysay qoomiyadaha kale ee Itoobiya. Waana halkaa halka ay ka noqon karto qoomiyad dhaqaale ahaan isbixin karta haddii ay ka go’do Itoobiya.

Ugu danbeyn qodobka 39aad waxa uu tilmaamayaa cidda sharciyan loo aqoonsan karo xaq u yeelashada madaxbannaanida qoom ahaan. Waana cid wal oo leh Af gaar ah, dhaqan gaar ah, caadooyin gaar ah, diin gaar ah, dhalasho jinsiyadeed u gaar ah, hab-feker u gaar ah, deegaan iyo dhul u gaar ah, iyo weliba xuduud cayiman oo u gaar ah.

Mohamed Hagi Mohamoud

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.