Qodobada Abiy & Afawerki Ku Heshiiyeen Oo Dhammaystiran

Ereteriya iyo Itoobiya waxa heshiiskooda ka mid ah iskaashiga dhanka difaaca iyo abuurista aagag dhaqaale oo u gaar ah

0
507 views
Qodobada Abiy & Afawerki Ku Heshiiyeen Oo Dhammaystiran

Qodobada Abiy & Afawerki Ku Heshiiyeen Oo Dhammaystiran
Jidda(Sayruuq) Dawladda Federaalka Itoobiya iyo dawladda Ereteriya ayaa September 16, 2018 magaalada Jidda ee Carriga Sucuudiga ku kala saxeexday heshiis taariikhi ah oo labada dal ku soo afjareen dagaal iyo nacayb labaataneeyo sanno ka dhexeeyay. Labada waddan ayaa heshiiskooda xoogga ku saaray iskaashiga difaaca, dhaqaalaha, la dagaalanka hubka iyo darooggada iyo arrimo kale.
Heshiiska ay kala saxeexdeen hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya Dr Abiy iyo Afawerki oo ka kooban 7 qodob waxa lagu sheegay in dalalkan oo tixgelinaya arrimaha ay wadaagaan ee dhinacyada jaarnimada, taariikhda, dhaqanka iyo diintu heshiiskan gaadheen. Sidoo kale waxa ay tixgelinayaan madax bannaanida, wada jirka dhuleed iyo qaranimada dal kasta. Waxaanay iyaga oo u qushuucsan soo celinta xidhiidhkooda wada gaadheen todoba qodob oo kala ah:-

1. Xaaladdii dagaal ee labada dal u dhexeysay way dhammaatay waxaana bilaamay marxalad cusub oo nabadeed, saaxiibtinimo iyo iskaashi dhammaystiran;
2. Labada waddan waxay kor u qaadayaan iskaashi dhammaystiran oo ah dhinacyada; Siyaasadda, Ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, ganacsiga, maalgelinta, dhaqanka iyo arrimaha bulshada oo ku salaysan iskaashi labada dhinacba ka imanaya;
3. Labada dal waxay bilaabayaan maalgelinta mashaariic wada jir ah oo ay ku jiraan aasaasidda aagag dhaqaale oo labada dal u khaas ah;
4. Labada dal waxay hirgelinayaan guddida xal ka gaadhidda xuduudka Ereteriya iyo Itoobiya;
5. Labada dal waxay kor u qaadayaan nabadda gobolka iyo caalamka, ammaanka iyo iskaashiga;
6. Labada waddan waxay la dagaallamayaan argagixisada iyo tahriibinta dadka, hubka iyo darooggada si waafaqsan shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah;
7. Labada dal waxay wada dhisi doonaan guddi sare oo wada jir ah iyo guddi hoosaadyo ku salaysan sida loogu baahdo si ay u hagaan dushana ugala socdaan fulinta heshiiskan,
Heshiiskan loo bixiyay heshiiska nabadeed ee Jidda waxa lagu qoray luuqadaha Amxaariga, Tigrayga, Carabiga iyo Ingiriisida waxaana wixii fahan darro dhanka luuqada ah ka timaadda loola noqonaya nuqulka Ingiriisida ku qoran.

Source: Addisstandard
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.