Qisada Nabsi Xaasid

0
183 views

Qisadani waxa ay ka waramaysaa laba qof oo dadka isugu saaxiibsanaa, oo mid curyaan ahaa ka kalena indhoole ahaa. Curyaanku waxa uu ahaa xaasid iyo indhooluhuna waxa uu ahaa daacad.
Indhooluhu sidii loo xaasidayey, waxa uu noqday mid indho qaba, maal qabeen ah, markii dambena waxaba uu noqday boqor. Subxaanallaah.

“QISADU WAAQIC TAAGAN OO DHAB AH AYEY KA WARAMAYSAA”

Laba nin ayaa mid indho la’aa, ka kalena curyaan ahaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayay tashadeen si ay uga tagaan meeshii ay ku noolaayeen oo ay ka socdaalaan. Ninkii indhaha la’aa ayaa soo jeediyay sida laysu raacayo. Wuxuuna yidhi “Indhoole, anigu xooggii ayaan hayaa, adiguna indhihii ayaad haysaa. Haddaba anigu waan ku qaadayaa, adiguna curyaanow indhihiibaad qabtaa e dhirta iga eeg oo iga du’.” Sidaas ayay labadii nin ku heshiiyeen.
Haddaba ninka curyaanka ahi wuxuu ahaa nin xaasidnimadu aad iyo aad ugu badan tahay. Wuu qaaday indhoolihii waana la socday oo waxaa la galay socdaal dheer.
Ka dib wey gaajoodeen. Maalitnii dambe iyaga oo bes gaajo u liita ayaa waxay ku soo baxeen hal meel ku bakhtiday.
Ninkii curyaanka ahaa ayaa hilibkii googooyay oo kariyay. Curyaanki isaga oohowshii ku jira ayuu arkay abeeso meel u dhow maraysa. Abeesadii ayuu intuu dilay haddana googooyay oo uu dabkii saaray. Ka dib markii ay bislaatay ayuu ku yidhi indhoolihii “hilibkii waa bislaaday, hoo oo cun, illeyn waxba arkimeysid e. Indhoolihi abeesadii ayuu iska cunay. Markiiba se wuu soo hunqaacay hilibkii abeesada illeyn xididkii suntan ayaan laga saarin e. Markii se uu hunqaacay ayaa Allena labadiisii indhood wac uga siiyay oo indhihii u baxeen. Se isagu kama uu tegin curyaankii e, wuu qaaday, waxayna ku soo baxeen ceel ay maanlintii insigu ka cabbo, habeenkiina jinku ka cabbo.

Go’yaashii ayaa la isku xidhxidhay. Curyaankii ayaa lagu xidhxidhay goyaashii oo ku horreeyay ceelkii. Ka dib, si fiican ayaa looga soo saaray markii uu ka soo dhergay biyihii.
Mar labaadkii ayaa ninkii indhuhu u baxeen lagu xidhay go’yaashii oo ku dhaadhacay ceelkii. Curyaankii wuu ku sii daayay ninkii ceelkii ilayn waa xaasd e. Markii uu ku hubsaday ayuu curyaankii iskaga gurguurtay oo uu iska tegay isaga oo ku faraxsan saaxiibkiisa uu ceelka ku riday.
Daacadi ma hungowdo baa la yidhi. Markii gabbalku dhacay ayaa ceelkii waxaa yimid jinkii habeenkii ka caddi jiray. Jinkii ayaa sheekaystay oo mid ka mid ah ayaa wuxuu leeyahay “dhagax weyn oo ceelka u dhow hadday insigu fujiyaan biyo faro badan iyo dahab faro badan ayay ka heli lahaayeen bartaa dhagaxu saaran yahay. Geedka ku xiga dhagaxa ee caleenta waawayn lihina caleentiisu waa dawo cudur oo dhan ka dawo ah. Magaalada inoo dhow Boqorka haysta inantiisa bugta waa uu dawo caleenta geedku”. Dabadeed jinkii hadalkoodii oo dhan ayuu xafiday. Ninkii ceelkii ayuu u hoyday. Maalintii dambe ayaa waxaa u yimid dad insi ah. Dadkii ayaa ka soo saaray ceelkii. Ka dib ninkii dhagaxii uu jinku sheegay ayuu meeshii ka qaaday, waxana ka soo baxay biyo iyo dahab fara badan. Ninkii wuxuu buuxsaday dahabkii. Geedkiina wuxuu ka goostay caleen farabadan. Ka dib intaasi markii ay dhacday ayuu ninkii alaabtii u qaatay magaalo uu haysto nin boqor ahi. Boqorkii ayuu u tegay. Dahabkii ayaa laga siistay adduun aanu malaynayn. Caleentiina wuxuu ugu daweeyay boqorkii inantiisii. Markii ay bogsatay ayuu boqorkii siiyay inantii oo u guuriyay, kana dhigay inankiisii oo kale. Haddaba boqorkii ayaa dhintay isla markiiba ninkii ayaa boqornimadii dhaxlay. Ninkii daacad badane ayaa isaga oo boqornimadii haysta oo kormeer hawleed ku jira ayaa waxa uu ku soo baxay ninkii xaasidka ahaa. Daacad ninkii muu dilin manuu caayin ee wuu isu sheegay. Intaa kadib, waxa uu u sheegay sidii uu ku helay dahabka, sidii uu ku guursaday inanta boqorka iyo sifihii uu ku noqday boqorka.

Xaasidkii curyaanka ahaa inta uu gurguurtay ayuu dhagaxii ceelka hoos galay isaga oo maal iyo madaxnimo raadcaynaaya.
Habeenkii isaga oo dhagaxii hoosta kaga jira ayaa jinkii ceelkii dul yimid. Jinkii ayaa wada hadlay; waxana ay yidhaahdeen, “Dahabkii ma yaallo, biyihiina beebbaaba lagu xidhay; geedkiina caleentii waa laga dhammeeyay. Tolow malaha ceelkan gudihiisa ayay inoo galaan insigu oo wey inna dhegaystaan.”
Ceelkii ayey ku soo wada dhaqaaqeen oo ay eegeen, mise jinkii wuxuu arkay xaasidkii curyaan oo dhagaxii ceelka hoosta kaga jira oo dhegaysanaya. Alla intuu xanaaqay jinkii, ayay ku dumiyeen curyaankii ceelkii, halkaas ayuuna ku galbaday curyaankii xaasidka ahaa.

FALANQAYN:
Qisadan koobani waxa ay si dhab ah uga hadlaysaa xasadka iyo cidhib xumadiisa, waxa ay ka tarjumaysaa waaqic dhab ah oo maanta jira; cidda ay la hadlaysaana waa bulshadeena. Qisadu waxa ay ka warantay laba nin oo saaxiib ahaa oo midi indhaha beelay ka kalena cagaha waayey; mid walibana waxa uu haystay dheeraad aanu ka kale haysan; waxana ay ku heshiiyeen in ay iskaashadaan si ay labadooduba u noolaadaan. Wada noolaanshahaasna indhooluhu daacad ayuu ka ahaa laakiin cagooluhu daacad kamuu ahayn ee waxaba uu doonayey in cagaha indhoolaha ku yaala intoo la soo jaro kadibna isaga lagu rakibo, waxana uu doonayey in uu keligii noolaado oo wax walba isagu uu helo; waana xaasidnimo sidaasi laakiin indhooluhu wuu ku qanacsanaa indho la’aantiisa; manuu jeclayn in uu keligii noolaado, waxa uu doonayey in la isu geeyo dheeraadka uu haysto iyo ka saaxiibkii si loo helo nolol; sidaasina waa daacadnimo; waayo qofka daacada ahi waa mid ku qanacsan oo alle ku mahadiya dheeraadka uu haysto; tixgaliyana dheeraadka kuwa kale alle ku arsaaqay ee leh ubad, cilmi, maal, mansab, caafimaad, caqli, waxa uu weheshadaa wadajirka, waxa uu aaminsanyahay in keligii aanu waxba noqon Karin, waa qof dadka isku soo jiida, waa qof dadka horumarkooda ka shaqeeya, waa qof adkaysi u leh dul u yeelashada aqwaasha iyo afcaasha lahadhnimada ah ee kaga imanaya qofka xaasidka ah; kuna samraya sida qisada inooga muuqata ilaa inta alle farajkiisa u furaayo. Sida qisada inooga muuqata qofka daacada ahi ma aar goosto ee wuu sabraa waayo qof han leh oo aan jeclayn kaligii in uu wax walba isku helo laakiin xaasidku waa qof han yar oo jecel keligii in uu wax walba helo, marka isaga laga reebo dadka inta kale ee soo hadhay haduu helayo waxaba uu ku odhan lahaa adoomo noqda laakiin heerkaa inuu gaadhaa mid illaahay raali galineysa ayaaney ahayn; hadii uu ka waantoobi waayana aakhirka isaga oo maal iyo madaxtinimo raadinaya oo duleysan waxa uu u luxud galaa sababta wixii uu sameeyey. Sida qisada ku cad, isaga oo aan itaal lahayn indhihii alle siiyey waxa uu uga faa’iidaystay in uu kaga dhameeyo kii dhabarka ku siday oo waa kii abeesada u kariyey ee alle indhaha ugu furay kamanuu aargoosan. Kamuu hadhin, ee isaga oo ka xun indhihii alle u furay waa kii ceelka ku sii daayey. Sidaas kagamuu hadhine, ninkii daacad oo allihii boqray waakii la kulmay ee isku dhereriyey isaga oo ka xun madaxnimadiisa ee weydiiyey sirtii boqornimada uu ku helay. Kamuu aargoosane waakii sirtii siiyey. Isaga oo maal iyo madaxnimo raadinaya waakii xaasidkii tegay ceelkii uu hore saaxiibkii ugu riday isaga oo guul rajaynaya, halkii ay ka ahayd in uu ka qoomamoodo wixii uu sameeyay ee uu saaxiibkii ka cafis dalbi lahaa, ceelkii ayuu gundhada u galay; waxana ugu yimid jinkii; waanay ku dumiyeen. Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodana ha dheerayn ku dhicidoontaana mooyiye. Xaasidkii halkaas ayey ugu dhamaatay.
Walaalkayga iyo walaashayda muslinka ahi waa in iskaga fogaadaan. Xaasidku ma guuleysto marka uu hungureeyo dheeraadka kuwa kale, xaasidku ma liibaano marka uu kuwa kale xaqiro, xaasidku sharaf ma yeesho marka uu kuwo duli la jeclaado waayo iimaan ma laha. Waakii nebigeenu N.N.K.H.A yidhi, “midkiina iimaan dhab ah lagama helin ilaa uu walaalkii la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahay”. Xasadka laguma soo dhasho ee waa xanuun qalbiga ku dhaca. Waana la iska nadiifiyaa. Allena s.w.t waxa uu yidhi, “waxa liibaaney qof naftiisa daahiriyey”. Hadaad dooneyso sifadan murugada leh in aad ka dawowdo. La jeclow kuwa kale waxa aad naftaada la jeceshahay. Caawi kuwa kale alle ha ku caawiyee. Guul u rajee kuwa kale ha ku jeclaadaane. U sama fal kuwa kale alle ha kuu gargaaree. Gargaare aan alle ahayn ma haysano walaal xaasidow adigu yaad isku halayneysaa? Ha nacasoobin. Qiimeyn samee oo is xisaabi. Alle waxa uu yidhi s.w.t “arlada socda oo eega umadihii idinka horeeyey” waxqiimeeya oo wax isbarbar dhiga.
Falanqayntan waxa aan ku soo afmeerayaa, xaasidku waa qof aad kabtiisa toleyso oo kafantaada tolaya. Haduu aqoon sheeganayo waa jaahil, haduu taajirnimo sheegaanayo waa faqiir, haduu geesinimo sheeganayo waa fulay, haduu caqli sheeganayo waa cawaan, haduu deeqsinimo sheeganayo waa bakhayl damac yaqaan, haduu gobonimo ku faano waa gun guni dhashay. Ma hungowdo daacadi alle ayaana u hiiliya, sir maqabena alle ayaa sahan u ah. Sida qisada inooga muuqata, xasadkii ninka daacada ah la xaasiday waxa uu ka bilaabmay in alle siiyey laba cagood oo saaxiibkii aanu haysan, waxa uu sii xoogaystay markii alle ku arsaaqay laba indhood oo aanu hore u haysan, waxa uu ka sii daray markii alle ku arsaaqay maal iyo madaxnimo aanu haabkaba ku haynin. Hadaba waxa yaab lahayd, ninkii daacada ahaa markii alle gaadhsiiyey martabadii ugu saraysay ee uu boqray xaasidkii xumihiisa jeclaa ma baqday oo sidaas makaga hadhay mise kursigiibuu kaga daba tegay? Maxaad ugu abaal gudi lahayd qofka adiga oo indhoole ah sun ku waraabiyey ee dhimasho kuu rajeeyey, ee suntii alle indhaha kuugu furay, ee hadana ceel kugu riday, ee kaaga dhaqaaqay ee alle kugu dhex siiyey sir aad ku heshay maal, iyo madaxnimo, taas oo aakhirkii ku hoos keentay xaasidkii dibindaabyada kula daba socday? Marxaladan illaahay mooyee cid kaa awood badani ma jirto, maxaad yeeli lahayd? Maad xidhi lahayd mise waad dili lahayd mise waad iska cafin lahayd? Qof sidii loo xaasidayey ee loo soo eryanayey illaahay agtiisa gob laga qoray oo la boqray go’aanka uu ka qaadan karaa waa mid noocee ah? Meel kaleba ha u kicin ee eeg nabi yuusuf C.S oo ahaa kariim ibnu kariim ibnu kariim, go’aankii uu ka qaatay walaalihiisii ceelka ku riday. Isaga oo og in ay yihiin kuwii ceelka ku riday wuu iska cafiyey; welibana xoolo ayuu ugu daray. Soomaaliduna waxa ay tidhaahdaa, “Qof xun xoolahaagaa badh la siiyaa”. Waxa aan leeyahay, xaasidaw waligaa aflixi maysid, alle u noqo, fursad ayaad weli haysataa, dhib kuu kordha mooyee, dheefi ka dheer intaad ku maqantahay qof wanaagaaga rajaynaya, illaahay naxariistiisa ha ku quusan walaal. Alle dhibaato kulama jecla ee ha doon doonan adigu walaal. Ha ku farxin dhibaatada kuwa kale ee ka damqo hadaad in uun damiir leedahay. Hadaad wax kale ku tari waydo dhibtaada uun ka dayso. Illaahay bogeena burcad ha isu mariyo. Illaahay quluubteena ha isku soo dhaweeyo. Jidh qudha illaahay ha inaga yeelo. Baylahdeena illaahay ha xafido. Dambigeen iyo kii waalidkeena illaahay ha dhaafo. Umad mid oo is jecel alle ha inaga yeelo. Alle khaatumada khayr ha inoogu khatimo. Wabilaahi tawfiiq.
Maxamed C/kariim Axmed (shiil)

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here