Qaybta 2aad: Lafagurka Sharci ee Xeerka Kufsiga Soomaaliland (Xeer Lr. 78/2018) W/Q. Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed

0
198 views
Qaybta 2aad: Lafagurka Sharci ee Xeerka Kufsiga Soomaaliland (Xeer Lr. 78/2018) W/Q. Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed

Qaybta 2aad: Lafagurka Sharci ee Xeerka Kufsiga Soomaaliland (Xeer Lr. 78/2018) W/Q. Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed

Qaybtan 2aad wax aan lafogur ku samaynaya qodobada sharci ee uu xeerku ka kooban yahay; intooda muhiimka ah. Waxa aan ku deddaalayaa in aan falanqeyn ku sameeyo qodobada xeerka qaab-qoraalkooda, waafaqsanaantooda Shareecada Islaamka iyo Dastuurka qaranka iyo meelaha muhiimka ah ee la odhan karo xeerku wuu soo kordhiyey. Xeerka Kufsiga Soomaaliland (Xeer Lr. 78/2018) wuxuu ka kooban yahay 46 qodob oo shan cutub u kala baxaya. Haddii aan ku horeeyo ujeeddooyinka xeerka loo dejiyey ee ku cad Qod. 3aad ee xeerka, waxa xusid mudan in sidoo kale Qod. 3aad ee Xeerka Kufsiga Dawlada Puntland (Sharci Lr.4 ee 03.09.2016) ay isna ku cad yihiin ujeeddooyinka oo isla intan Qod. 3aad ee xeerka kufsiga Soomaaliland ku cad ah. Qod. 3aad ee labada xeer ba waxay ujeeddooyinka xeerka ku faahfaahiyeen lix faqraddood oo aan ku soo koobi karo sidan:

1. In la dajiyo xeer waafaqsan ama la jaan qaadi kara dastuurka, minqiyaasyada caalami ee xaquuqaha aadamaha iyo mab;aadiida guud ee cadaaladda;
2. In la xaqiijiyo in dhibeneyaasha iyo markhaatiyada kufsiga iyo fal dambiyeedyada kale ee galmadu helaan ilaalin iyo dhawrista ay u baahan yihiin;
3. In la helo xeerar sahlaya ama saamaxaya in nidaamka maareynta iyo xalinta dambiyada kufsiga iyo xadgudubyada kale ee Galmada;
4. In sida ugu haboon loo ilaasho loona daryeelo bulshada qaybteeda nugul ee ay ka mid ka yihiin haweenka, caruurta iyo naafadu;
5. In la dajiyo nidaam xaqiijin kara ilaalinta ama dhawrista xuquuqaha dhibaneyaasha fal dambiyeedyada kufsiga ama xadgudubyada Galmada; iyo
6. In dawladdu awood u yeelan karto aqoonsashada iyo dabo galista dambiileyaasha galay kufsi ama xadgudubyada jinsi.

Fal dembiyeedyada uu Xeerku Jideeyey

Xeerka kufsiga Soomaaliland iyo ka Puntland ba waxay jideeyeen 11 fal dembiyeed, inkastoo ay ku kala duwan yihiin qaabka ay u dhigeen fal dembiyeedyada iyo ciqaabaha qaarkood; aad bay ugu kala afkaar duwan yihiin labada xeer guud ahaan aragtida galmada iyo sharcinimadeeda – waa mid muujinaysa kala duwanaanshaha labada bulsho, ururradooda bulshada iyo nidaamkooda xeer-dejineed ee dawladnimo ba. Sidaas darteed, waxaynu ku horeyn doonaa fal dembiyeedyada uu xeerku jideynayo iyo shareecada islaamka; waxa ay ka waafaqsan yihiin iyo wixii ay ku khilaafsan yihiin. Waxaan se ka afeefanayaa in aanan si gaar ah u dul istaagayn qodobada dhammaantood balse aan intii muhiim ah uun dul istaagi doono.

1. Qodobka 4aad: Kufsi: (1) Qof kasta oo (1.B) isticmaalaya xoog, qasab ama hanjabaad kula kaca kufsi (galmo aan sharci ahayn) qof kale oo aan ogoleyn raalina aan ka ahayn, (1.T) kula kaca galmo aanu sharcigu bannayn qof kale oo aan awooddin bixinta raali ahaanshiyo, waxa uu galay fal dambi kufsi ah, waxaanu muteysanayaa ciqaab xabsi ah oo u dhaxaysa shan iyo toban ilaa labaatan sannadood; (2) Ciqaabta la saarayo ama uu mutaysanayo eedeysanaha lagu eedeeyo faldambiyeed ku cad farqada koowaad ee qodobkan, waxay noqonaysaa ciqaab xabsi ah oo u dhaxaysa Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan sannadood, haddii Dhibanaha fal dambiyeedku yahay qof carruura oo da’ diisu tahay 15 jir ama ka yar; (3) Qofka gala fal dambiyeed ku cad farqada koowaad ee qodobkan waxa uu mutaysanayaa ciqaab xabsi daa’in ah haddii: (B) Uu eedeysanuhu gaadhsiiyo dhibanaha dhaawac maskaxeed ama jidheed oo aan laga bogsoonaynin; ama (T) uu sababo faldambiyeedkaasi dhibenaha oo qaada cudurka HIV Aydhiska. (4) Qofkasta oo isku daya in uu galo fal dambiyeed kufsi ah waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya afar ilaa todaba sannadood.

Madmadowga qodobka ku jira: Inta aanan ka hadal qodobkan sharcinimadiisa ama shareecada sida uu u waafaqsan yahay, waxa aan ka hadlayaa madmadow badan oo ku jira qaab-qoraalka qodobka oo luminaya macnaha fal-dambiyeedka laftiisa. Taasi oo sababi doonta in qodobka si khaldan loogu dhaqmo oo arrimo badan oo aan hadda kufsi loo arag ay mardhoow kufsi noqon doonaan.
GARYAQAAN CABDISHAKUUR
Qodobkan kelmada ‘xoog’ macnaheedu wuu cad yahay in loola jeedo ‘u awood sheegasho’, kelmada ‘qasab’ na macnaheedu kama foga oo waa u awood sheegasho balse ujeeddo kale ayay halkan ugu jirtaa oo ku qarsoon sababtoo ah Qod. 2aad ee xeerku wuxuu ‘qasbid’ ku qeexayaa oo qaababka qasbida kamid ah ‘isticmaalida caddaadis xaga maskaxda ah ama handadaad’. Waxa markaa muuqata in kelmad aanu macnaheeda mugdi ba ku jirin lagu sifeeyey mid iyada lafteedu u baahan in la qeexo oo la caddeeyo waxa macnaheedu yahay ama loola jeedo.
Maxaa la odhan karaa waa caddaadis xaga maskaxda ah ama handadaad? Tusaale ahaan. In qof afmiishaar ah uu maskax ahaan u duufsado qofka kale ama uu ku handado wax aan suurtogal ahayn ama khatar aan muuqan ayaa dhowaan la odhan doonaa waa qasbid sababtoo ah in maskaxdiisa la duufsado ayaa ba caddaadis maskaxeed lagu sheegi karaa, ama waxa lagu dooddi karaa qofka maskax ahaan ayaa loogu awood sheegtay oo Xeer-ilaaliyaha dacwadda oogaya ama Garsooraha xukumayaa macnaha uu doono ayuu ku sheegi karaa ama uu u qaadan karaa. Taasina waxay daaqad u furaysaa in wax aan kufsi ba lagu sheegi karin dadka la qabadsiiyo. Xooga iyo qasbida waxaa laga dambeysiiyey oo la raaciyey kelmada ‘hanjabaad’ oo aan iyadna la qeexin macnaha loola jeedo ee ay qodobka ugu jirto – hanjabaad noocee ah ayaa ka dhigan awood-sheegasho ama qof lagu qasbi karaa? In la qeexo ayey ahayd waayo hanjabaad kasta qof laguma qasbi karo.
Ereyga ‘galmo’ wuxuu Qod. 2aad ee xeerku ku qeexay “gelitaanka xaddigey doonta ba ha gaadhsiisnaato’e xubinta taranka ee qof ay gasho xubinta taranka ama xubin kamid ah jidhka qof kale oo ay isku jinsi yihiin ama kala jinsi ba.” Waxaan u arkaa aragti lagu badelayo dhaqan ahaan iyo diin ahaan waxa ay bulshadeenu u kala taqaano ‘galmada’ iyo ‘khaniisnimada. Macnaha saxda ah ee galmadu waa “gelitaanka xubinta taranka ee ragu ay gasho xubinta taranka ee dumarka”. Xeerkan markaa waxaa iskumid ah galmada xaaraanta ah ee ka dhex dhacda labada qof ee kala jinsiga ah iyo khaniisnimada qof xubintiisa taranku ay gasho qof kale oo ay kala jinsi yihiin ama isku jinsi yihiin xubnahiisa kale sida dabadiisa ama afkiisa. Waxay taasi keenaysaa in uu meesha ka baxo kala duwanaanshahii galmada dabiiciga ah iyo galmada aan dabiiciga ahayn ee khaniisnimada ah. Sidaas darteed, dhaqangalka xeerkani wuxuu ka dhigan yahay dhaqan-gelin dhaqan iyo afkaareed.
Xeerka Ciqaabta Guud ee aynu hadda ku dhaqmaynay sida caadiga ah ayuu u kala saarayaa falalkan – Qod. 398 XCG wuxuu galmo u aqoonsanayaa sida caadiga marka labada xubnood ee taranka ee labada jinsi ee kala duwan ay is galaan. Qod. 400 ayuu isna ku cad yahay fal-dembiyeedka aan caadiga ahayn ee ay laba qof oo isku jinsi ah ama kala jinsi ay si dabiicinimada ka soo horjeeda iskugu tagaan, waana dembi ka culus kufsiga. Qod. 409 ayaa isna uu ku cad yahay dambiga khaniisnimada ee ay labada qof ee isku jinsiga ah ay sida galmada wax iskaga dayaan.
Dhaliisha kale ee uu leeyahay Qod. 4aad ee xeerku waa in aan la qeexin kelmada “galmo aan sharci ahayn” sababtoo ah dhaliisha ugu culus ee uu Xeerka Ciqaabtu uu leeyahay waxay ahayd in aanu ku jirin qodob dembi ka dhigaya ‘sinnada labada qof ee aan guur soo marin ay raali iskaga yihiin’. Garsoorku mararka qaarkood shareecada ayey u cuskadaan sinnada, mararka qaarkood na waxay qabad siiyaan qodobo nuxur ahaan ka duwan balse u dhoow oo ay kamid yihiin Qod. 405 XCG oo ah ‘dhileysiga – prostitution’ oo isagu khuseeya galmada camalka laga dhigto iyo Qod. 426 XCG oo ah ‘gogol-dhaafka’ laba qof oo uu midkood [ama labadu ba] xaas leeyahay markay isku galmadoon. Guud ahaana Xeerka Ciqaabta qodobbadiisa khuseeya galmadu ma waafaqsana shareecada, waxaanay ugu horeeyeen meelaha loo baahnaa in aynu xeerka cusub ku saxno balse sawtan looga sii daray ee cudur darmaan galay, laga gubay dameero.
Sidaas darteed, haddii daacad laga yahay oo xeerka lagu buuxinayo galdaloolada sharci ee jiray waxaa si cad loo qeexi lahaa kelmadan ‘galmada aan sharciga ahayn” sababtoo ah hadda majiro xeer sharci-darro ka dhigaya galmada dhex marta labada qof ee aanu guur ka dhaxeyn. Maxaynu kaga duwanahay DAWLADDA PUNTLAND ee isla xeerkeedan aynu iskaga midka nahay isku meeshana la innagaga keenay ku darsatay Qod. 6aad, faqradiisa 6aad; “Haddii ay caddaato in labada qof ay si sharci-darro ah raali iskaga ahaayeen falka galmada, waxaa laga soo qaadayaa fal-dembiyeed galmo oo sinno ah, taas oo lagu xukumayo xuduudda ALLE [SWT] u jideeyey ee ku xusan Shareecada Islaamka” Allaylahe shacab iyo dawlad ba ku ceeb la’, ILAAHAYNA ka cabsade! Innaguna…….?
Annigu waxa aan quustay ba markii lays raaciyey ee lays daba dhigay galmo aan sharci ahayn iyo qof aan ogoleyn raalina aan ka ahayn. Macnaha ku jiraa wuxuu yahay in galmada aan sharciga ahayn, haddii lays ogol yahay in aanay dembi ahayn ee ay keliya dembi tahay haddii dhinac aanu ogoleyn. Sidaas darteed, galmada xaaraanta dembinimadeedu waxay ku xidhan tahay raali ahaanshaha labada qof ee sida xaaraanta ah iskugu galmoonaya.
Waxa iyadna isla qodobkan ku jirta kelmada ‘qof aan awooddin bixinta raali ahaanshiyo’ waxaanay ugu jirtaa in qofkii u galmooda qofka noocaas ah uu ku kacay kufsi. Su’aashu waxay tahay qofka noocee ah ayaan awooddin ogolaansho ama bixinta raali ahaanshiyo? Waxa ka jawaabaya Qod. 2aad ee xeerka oo odhanaya waxaa loola jeedaa: “b) Qof dhallaan ah oo ka yar 15 jir; ama t) Qof aan lahayn awood uu ku fahmo nuxurka iyo nooca falka galmada dhinnansho xaga maskaxda ah awgeed; ama j) Qof naafonimo jidheed darteed iska difaaci kari waayay eedeysanaha falka kula kacay; ama x) qof la sakhraamiyay ama la maandooriyay; ama d) qof hurda ama miyir la’; ama kh) qof sharci darro loo xidhay/xabisay ; ama r) haddi cidda fal dambiyeedka kula kacday ama u gaysatay yahay qof ku tagrifaley meeqaam aaminaad, awood ama madaxtinimo; ama s) bqof lagu khiyaameeyeyey ama lagu qalday nooca falka galmo ama cidda uu la [sameynayo].”
Ma ila socotaa? Dadkan aan awooddin in wax ogolaadaan haddii la kufsado ciqaabtu waa 15 sanno ilaa 20 sanno waxaanad aragtaa in uu kamid yahay qofka ay da’diisu ka yar tahay 15 sanno, haddana isla faqradda 2aad ee ku xigtaa waxay dhigaysaa haddii dhibanahu uu ka yar yahay 15 sanno ciqaabtu waxay noqonaysaa 20 sanno ilaa 25 sanno. Labadaas faqraddood ba carruurtu waa kamid ciqaabtooduna waxay is dheer tahay 5 sanno oo xadhig ah. Dadka waalan iyo kuwa naafada ah iyagu dadka caadiga ayey lamid yihiin oo wax culeysin ah kuma leh dembiga ciqaabtiisa. Taasi ayaa caddeynaysa in ciqaabahani ay lambaro uun iska yihiin ee aanay ahayn wax la dersay muddada fal dambiyeed walba lagu dhaqancelin karo qofka ku kacay. Qofka la sakhraamiyey ama la maan-dooriyey maxaa loola jeedaa?
Isla qodobka 2aad ee xeerka ayaa ka jawaabaya kuye waxaa loola jeeda ‘xaaladda uu qof ku lumiyo awoodda garashada sabab la xidhiidha cabid Khamri, qaadasho maandooriye ama walxo kale oo la dabeecad ah. Waxa la wada qeexay maandoorsoomid iyo maandoorin; waana laba kelmadood oo kala macno ah sababtoo ah maandoorsoomid oo keliya ayaa hadda la qeexay balse maandoorinta ama sakhraaminta uu qof sakhraamiyo qof kale ma khusayso erey-bixintani waase laga dhigayaa. Sidan hadda loo qeexay waxay u dhigan tahay haddii dhibanaha uu eeddaysanahu siiyo quraarad khamri ah oo uu iskii u cabo iyadoon la qasbin ama aan loo qarin in la sakhraamiyey. Ujeeddada laga leeyahayna waxay noqonaysaa in laba qof oo wada sakhraamay deedna wada sinnaystay, midna uu eeddaysane noqdo midna uu dhibane noqdo. Maaha mid aan annigu iska idhi balse waa ujeeddo cad sababtoo ah qofkan la leeyahay waa la sakhraamiyey oo awoodda ogolaanshaha ayaa ka maqan oo waa dhibane la kufsaday haddii loo galmoodo ayuu haddana isla xeerku ku sheegayaa dembiile. Waa cajiib, bal hadda ila akhriya Qod. 35aad oo ka hadlaya xaaladdaha fudedeeya ciqaabta waxaa kamid ah oo faqraddiisa ugu dambeysa ku cad sidan: “1.x) eedeysanaha oo ah mid la sakhraamiyay ahaana qof sakhraansan markii uu dambiga galayay.” Bal haddaba Xeerkan dhankee loo raacaa oo qofka la sakhraamiyaa ma dhibane kufsi baa mise waa eeddaysane kufsi oo ciqaabta uun loo khafiifinayo haddii la xukumo? Waxaan ku dhaafayaa la joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan in ay noqon doonto.
Qodobkaas ama fal-dembiyeedkaas oo keliya ayay waxaas oo khaladaad iyo madmadow aasaasi ah ay ku jiraan qaab-qoraalkiisa oo keliya. Bal hadda warba waa kan dambeeyee, aan u gudbo Shareecada Islaamku halka ay ka istaagtay fal dembiyeedkani.
Shareecada Islaamka iyo Fal dambiyeedka Kufsiga
Qodobkan 4aad ee xeerku wuxuu toos u khilaafsan yahay Shareecada Islaamka sababtoo ah:
1) Shareecada Islaamku waxay waxay galmada xaaraanta ah u aragtaa dembi culus oo bulshada waxyeelo iyo xumaan ku ah. Waxaanay ilaalisay sharafta qofka bini-aadamka ah iyo xasiloonida iyo dhaqanka ummadda islaamka. Shareecadu waxay galmada xaaraanta ah u dhigtay ciqaab xad ah oo go’aan. Suuratul An-Nuur, aayadda 2aad, wuxuu Ilaahay SWT ummadda islaamka ah ku amray “Zaaniyadda iyo Zaaniga garaaca midkasta boqol jeedal, yaanay xagooda idiin qaban naxariis diinta dhexdeeda haddaad tihiin kuwa rumeeyey Alle iyo maalinta dambe [qiyaamaha] hana joogaan marka la garaacayo koox muuminiin ah.’ Sidoo kale. waxay Bukhaari, Muslim, Abuu Daauud, Tarmathi iyo Nasaa’i, ay Cabdullaahi bin Mascuud, kulligood Alle raalli ha ka noqdee, ka wariyeen inuu Rasuulkii Ilaahay Sallallaahu Caleyhi Wasallam yidhi:

“Xalaal ma aha dhiig qof muslim ah oo ku ashahaatay inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, aniguna aan Rasuulkii Ilaahay ahay, saddex mooyee: 1. Qof hore u guursaday oo zinaystay 2. Qof Qof kale xaq darro ku dilay oo qisaas loo dilahayo 3. Qof diintii Islaamka ka baxay oo jameecada Islaamka ka tegay”. Sunnaha uu Rasuulka CSW innooga tegayna waxaa kamid ah in uu rajmiyey shakhsiyaad iyagoo guur hore soo maray sinnaystay oo dhagax lagu dilay.

Qodobkan 4aad wuxuu keliya khuseeya galmada xaaraanta ah ee xoog, qasab ama tahdiid qofka loo adeegsado, haseyeeshee galmada xaaraanta ah ee ay labada qof is ogolaadaan uma arko dembi. Sidaas darteed, waxa uu toos uga horyimid Shareecada Islaamka gaar ahaan sunnaha rasuulka CSW oo caddeeyey in galmada xooga ama khasabka ah ay tahay sinno uu qof ku kacay, rasuulka iyo khulaafadii Islaamkuna ay in ka badan 6 jeer xukumeen qof si xoog ah ugu galmooday haween, kuna xukumeen sino kufsi ah. Culimada islaamka gaar ahaan afarta madhab ee waaweyn; Xanafiga, Maalikiga, Shaaficiga iyo xanbaligu ba way isku raacsan yihiin in qofka caqligiisu taam yahay isla markaana qaangaadhka ah ee si xoogid ah ugu galmooda qof kale oo aan xalaal u ahayn uu yahay zaani ku kacay galmo xaaraan ah isla markaana lagu qaadayo xadkaas ay shareecadu sinada u dhigtay – haddii aanu guur hore soo marin 100 jeedal ah laga jarayo, haddii uu guur hore soo maray oo uu muxsin ama muxsinad ay yihiina la rajminayo oo dhagax lagu dilayo markay ku cadaato. Waxaa kale oo ay isku raacsan yihiin in qofka la xoogay aanu wax dambi lahayn marka ay caddaato in la xoogay, isla markaana uu xaq u leeyahay magdhowga dhibaabaha.

2) Qodobku sidoo kale muu kala saarin marka qofka falka ku kacay uu yahay qof aan hore guur u soo marin iyo qofka guur hore soo maray oo isku xukun ayuu ka dhigay labada ba. Taasina waxay khilaafsan tahay shareecada oo aayadda iyo xadiiska midna kuma uu dhaqmin.

3) Xiligii casrigii dhexe ayey soo ifbaxeen dhacdooyinka kufsiga jariimada ah ee haweenka dariiqa loo galo ama iyadoo hub la adeegsanayo la xoogo, mararka qaarkoodna koox ahaan loo kufsado. Waxay culimadu ku sifeeyeen kufsiga falalka noocan ah ku yimaad in aanu ahayn sinno oo keliya balse uu ka culus yahay maadaamaa uu xasiloonidii iyo amnigii ummada halis ku yahay, isla markaana yahay fasaad iyo fawaaxish lala soo banbaxay oo bulshada weerar iyo dagaal ku ah. waxaanu ku sifoobay dembiga loo yaqaan xiraabada ee ku cad aayadda 33aad ee Suuratul Maa’ida oo Alle SWT uu dadka falalka noocan ah ku kacaa ku tilmaamayo kuwo dagaal kala hor yimid Ilaahay SWT iyo rasuulkiisa CSW; ‘abaalka kuwa la dagaalama Alle iyo rasuulkiisa oo la socda dhulka fasaad waa in la dilo ama ha la daldalo, ama isdhaaf loo gooyo gacmahooda iyo lugahooda, ama ha laga fogeeyo dhulka, arrintooduna waa inay duli mudan yihiin adduunka, aakhirana cadaab weyn.’ Xiraabadu waxay kamid tahay dunuubta xadka ah ee uu Ilaahay ciqaabtooda xadiday. Haseyeeshee, xagga caddaymaha way ka fudud tahay sinnada oo waxa lagu caddeyn karaa marag goob-joog ah iyo qaraa’in sida DNA-da iwm. Sidaas darteed, Qodobkan 4aad wuxuu sidoo kale si cad u khilaafsan yahay aayaddan iyadoo weliba faqraddiisa 3(B) ay si cad u xusayso kufsiga dhaawaca aan laga bogsanayn keena.

4) Haddii falka kufsiga ah ee loo sheeganayo eeddaysanahu aanu ahayn noocan xiraabada ee uu yahay kufsi sinno ah oo dhibanaha tahdiid ama awood sheegasho caadi ah loogu galmooday, isla markaana ay suurtogal noqon weydo in la helo afar markhaati oo arkayey falku markuu dhacayey ama aanu eeddaysanahu qiran, isla markaana ay jiraan qaraa’in caddaymo muujinaya in eeddaysanahu aanu ka faro madhnayn falka sida maragyo isku arkay iyagoo wakhtigaas wada jooga iyo caddeymo kale oo wax iftiiminaya balse aan caddeynayn in eeddaysanaha iyo qofka dhibanaha ah ay isku galmoodeen ama iyadoo ay caddahay ba in loo galmooday dhibanta balse aan la caddeynin in eeddaysanaha uu yahay qofka u galmooday, waxaa jira ijmaac ay sameeyeen culimada islaamku oo ah in markaas uu xukunka xadku ka jabayo eeddaysanaha oo uu meesha ka baxayo sidii uu rasuulku CSW yidhi; “xadka ka taga haddii ba ay shubho timaad”, isla markaana ay xuquuqdii Alle ee xuduudka ahayd ay qofkaas ka hadhayso, balse lagu xukumayo Tacsiir edbin iyo dhaqan-celin ah iyo dhibaabaha qofka dhibanaha ah.

5) Tacsiirtu waa awoodda ikhtiyaariga ah (Discretionary power) ee maamulka ummadu ama qaranku uu ciqaab ugu dejin karo falalka aanay shareecadu xad ama qisaas u dhigin ee loo arko in ay bulshada waxyeelo ku yihiin. Waana halka ay ku arrooraan xeerarka uu qaranku soo saaro ee uu xeerkani kamid yahay. Waxana shardi u ah in aanay kahoriman quraanka kariimka ah iyo sunnaha Rasuulka CSW. Faqradda ugu dambeysa Qodobkan 4aad oo ah iskuday kufsi ayaa sax ku ah Tacsiirta balse iyadna ma qeexna waxa ka dhignaan kara iskuday kufsi, mana jiro wax lagu kala sooci karo fal dembiyeedkan iyo kuwa ku cad Qod. 8aad (xadgudub jinsi), Qod. 11aad (Maandoorin), Qod. 12aad (afduub), Qod. 13 (daawadsiin falal anshax-darro ah) iyo Qod. 14aad (Isqaawin) sababtoo ah dhammaantood waa talaabooyinka diyaar-garowga kufsiga. Markaa majiro wax uu kaga duwan kuwan kale. Sida uu hadda u qoran yahay waa fal dambiyeed aan lahayn tiirar uu ku dhisan yahay oo caddeyntooda lagu xisaabtami karo balse sidani waxay noqonaysaa inuu iska noqdo kolba sidii ay xeer-ilaalintu ka dhigato, maxkamadduna ay uga garaabi karto.

2. Qodobka 5aad: Kufsi Wadareed: Qofkasta oo gala fal dembi kufsi isagoo ka mid ah koox abaabulan, waxa uu galay kufsi wadareed.

Madmadowga ku jira qodobka: Fal dambiyeedka qodobkan ku cad waxa uu kaga duwan yahay fal-dembiyeedka kufsiga, waa in ay koox dadka ah ay fal-dembiyeedkan si wadajir ah u galayaan. Haseyeeshee, kelmada ‘koox abaabulan’ ayaa marin-habow ku keenaysa nuxurka fal-dembiyeedka oo iskaba fudud haddii loo dhigi lahaa tusaale ahaan sidan: “Qofkasta oo ay qof kale ama dad ka badan si wadajir ah ugu kacaan kufsi waxa uu galay kufsi wadareed”. Waa maxay farqiga u dhaxeeya tusaalaha iyo kelmada isagoo kamid ah koox abaabulan? Farqiga u dhaxeeyaa waxa weeyi kelmada ‘koox abaabulan’ waxa uu Qodobka 2aad ee xeerku ku qeexay; “laba qof ama in ka badan oo isu abaabulay inay si wadajir ah u galaan ama u sameeyaan fal dambiyeed”, sida uu fal-dembiyeedku u qoran yahay marka shakhsiga laga hadlayo laga yimaad, waa in ay jirtaa koox abaabulan oo uu xubin ka yahay. Sidan lagu qeexay marka la raaco kooxdaas waxay ka koobnaan karaa ugu yaraan laba qof macnaheedu wuxuu markaa noqonayaa kufsi wadareedka waxaa geli kara ugu yaraan saddex – qofkan laga hadlayo (subject) + kooxda oo ugu yaraan laba qof noqon karta. Waxa laga yaabaa in aad isweydiiso oo aad tidhaa haddiiba la yidhi isagoo ka mid ah miyaan isaga iyo qof kale aanay kooxda laga hadlayaa ba noqon karin? Maya weeyi jawaabtu isaga marka laga yimaad dee qof baa meel ku hadhayee, kooxdee abaabulan oo uu kamid yahay? Sidaas darteed, sidan imika uu qodobku u dhigan yahay haddii laba qof ay si wadajir ah kufsi u galaan laguma dabaqi karo qodobkan kufsi wadareedka. Koox haddaad maqasho waa saddex qof iyo wixii ka badan.

Dhaliisha kale ee ay kelmadan ‘koox abaabulan’ leedahay waxa weeyi waxa waajib ku noqonaysa Xafiiska Xeer-ilaalinta haddii ay xitaa caddeeyaan kooxda tiradeeda oo noqon ba karta dadka dacwadda u xidhan tiradooda in ay haddana caddeeyaan abaabulnaanteeda haddii kale waxaa jabaya qodobka tiirarkiisa mid kamid ah. Sidaas darteed, qaabkaas aan u dhigay oo kale ayuu nuxurku ay ujeeddada tahay ku jiray balse kelmadan caalamiga ee loo adeegsado kooxaha caalamiga ah, qaran ama maxaliga ah ee u abaabulan ku shaqeysiga dembiyada booskeedu wuxuu ahaa faqraddaha dambe in la geliyo oo dembi culeysin ah laga dhigo tusaale ahaan: ‘haddii eeddaysanayaasha kufsi wadareedku ay yihiin koox abaabulan waxaa lagu ciqaabayaa’ ayaa qodobka xaga dambe laga gelin karayey. Kulama se yaabayo oo waxaan ogahay in ay jiraan kooxo abaabulan.

Faqradda 2aad ee qodobku waxay ku bilaabmaysaa ‘haddii eeddaysanahu kula kacay dambiga qof carruur ah…” sawtaynu koox falka wada gashay ka hadlaynay waa maxay eeddaysanahu? Ma hal qof baa laga hadlayaa mise kooxdii eeddaysanayaasha ahayd oo dhan baa hal qof loo arkaa. Labadan faqradood ee dambe siiba faqrada 3aad waxaad moodaa arrimaha dembiga culeysinaya ee sida dhaawaca dhibanaha iyo u gudbinta dhibanaha xanuunka Aafada Idleysay Dadka Sinaysta (AIDS), in qoraal ahaan loo fahmi karo in ciqaabta culeysinta ee ka dhalanaysaa ay ku wada dhacayso eeddaysanayaasha dhammaantood, inkastoo hal shakhsi uu dhaawaca geysan karo ama xanuunka dhibanaha iyo eeddaysanayaasha ba wada qaadsiin karo, waxay ku fiicnayd in si cad loo qoro in masuuliyadaas uu leeyahay qofka dhaawaca gacantiisa ku geystay ama xanuunka laga helo sababtoo ah dadka wada eeddaysan dembiga masuuliyadiisa way wadaagaan waanay kala leeyihiin (joint and several liablity). Waxaa kale oo meesha ka maqan masuuliyada dembi in ay tiirar ka abuuranto haddii falka dhacay uu yahay in dhibanaha AIDS ka qaaday mid kamid ah eeddaysanayaasha, waxaa iyadna meesha ku jirta ma isagoo og in uu xanuunkaas qabo ayuu falkana u badheedhay? Hadday sidaas noqoto, waxaa tixgelin la siinayaa in qasdiga uu isagu dembiga u galay ba ay ahayd in uu xanuunka wada qaadsiiyo oo xitaa waxaa haddii aad loogu dhug yeesho soo bixi karta in uu isagu ba lahaa abaabulka fal dambiyeedka si uu ujeeddadiisa u gaadho. Arrinta muhiimadaas lehna wey ka maqan tahay xeerka. Ciqaabta dhammaantood lagu wada qaadi karaana waa xabsi daa’in.

Waxa xusid mudan marka carruurta laga yimaad in fal dambiyeedkana aan la kala saarin haddii kufsi wadareed lagula kaco qof naafo ah, mid maskaxda wax uga dhiman yihiin iyo qofka caadiga ah. Hadda la soco fal-dembiyeedkan wuu ka culus yahay kufsiga caadiga oo waa kufsi kooxeed, waxaan is idhi culeysinta qudha ee ay qodob walba daba dhigeen ayaa ah in dhibanaha la gaadhsiiyo dhaawac maskaxeed ama jidheed oo markaas waxay is yidhaahdeen kuwani hore ba maskax iyo jidh ba kamay fayoobayne dadka wax ha la qabaan. Culeysintu maaha mid dhibanaha ay danni ugu jirto balse waa mid laga qiimeynayo dembiga uu qofku galay khasaarahiisa iyo axmaqnimadiisa. Qof walba wuu garanayaa in kooxi ay qof caadi ah kufsato iyo in ay qof waalan kaxeysato ama qof naafo ah qaadato sida ay u kala culus yihiin uguna kala xanuun badan yihiin damiirka qofka.

Xaga shareecada waxay ka siman yihiin fal-dembiyeedka kufsiga, waxaanu si gaar ah u khuseeyaa oo uu ku sifoobayaa xiraabada iyo xadkeeda ku cad ayaadda 33aad ee Suuratul Maa’ida. Faqradda iskudayga dembiga lafteeda waxaa saameyn ku yeelan karta kelmadaas kooxda abaabulan oo haddii qof uu kooxda kamid yahay balse aanu kooxdiisa falkaas kula jirin waxa dhici karta in kamid ahaanshaha kooxda loo raaciyo. Sidaas darteed waxaa muhiim ahayd in la qeexo iskudayga kufsi wadareedka ay koox abaabulani sameyn karto. Tusaale ahaan, haddii ba intooy ku heshiiyeen inay dembi galaan uu midkood hawl kale yeeshay oo intii uu maqnaa ay falka iskudayeen kuna fashilmeen qofkaas heshiiska kula jiray balse ka baaqday in aanu ku jirin in la caddeeyo ayey ahayd oo iskudayga iyo kelmadan baas ee abaabulka laga fogeeyo. Dadka qaar waxaabay iskudayga u fahmi karaan abaabulnaanta oo keliya maadaamaa aanu jirin ba tiirar kale oo fal-dembiyeedkan iskudayga ah lagu qeexay.

3. Qodobka 6aad: Kufsi Xad ka gudub ah: “Qof kastoo isagoo ujeedadiisu tahay inuu galo fal kufsi ah ee xubin jidhkiisa ka mida ama shay kale galiya xadigay doontaba ha gaadhsiisnaatee xubinta taranka ama xubin kale oo ka mid ah jidhka qof kale wuxuu galay fal dambiyeed kufsi xad gudub ah.”

Madmadowga ku jira qodobka: waxa keliya ee uu qodobkani kaga duwan yahay labada qodob ee hore waa in laba qodob ee hore qofka falka ku kacayaa uu isticmaalayey xubintiisa taranka oo keliya balse qodobkan qofka falka ku kacayaa wuxuu adeegsanayaa xubin jidhkiisa kamid ah [tay doonto ha noqotee] ama shay kale [wuxuu doono ha ahaadee] oo uu gelinayo xubin kale oo kamid ah jidhka qof kale [meeshii wax geli karaan ba]. Waxaa xusid mudan in fal-dembiyeedkan loo bixiyey kufsi xadgudub ah [kufsigu waa jariimo isagaa ba ka culus xadgudub], ujeeddada uu qofku falkan u gelayo waxaa lagu sheegay in uu galo fal kufsi ah. Sidaas darteed, waxay ku haboonayd in uu fal-dembiyeedkani noqdo faqrad kamid ah qodobada hore oo dembi culeysin ah.

Waxa uu fal-dembiyeedkani iskugu jiraa kufsi iyo iskuday kufsi – kufsiga wuu ka culus marka dhan laga eego oo qofka ku kacayaa kufsi iyo afcaashaa kale ee meel walba uu gelinayo wax walba ayuu ku wada kacayaa, marna tusaale ahaan waxa dhacaysa isagoo is leh wax kufso oo aanu galmo samayn oo weli xaabxaabashadii ku jira ayuu farta meel daran la helayaa deedna halkaas baa lagu qabanayaa ama ay cidi u baxaysaa qofkii miskiinka ahaa ee baxarka ku jiray. Saw markaas noqon mayso iskuday kufsi isla markaana qodobkan lagu dabaqi maayo ilayn xubin aan xubintiisa taranka ahayn iyo xubin kale oo ku taal jidh qof kale leeyahay ayaa isgalaye.

Markaan soo urursho waa fal-dembiyeed culeysin kufsi iyo iskuday kufsi iskugu jira balse markasta ciqaabtiisa ugu yar ay ku dhow dahay tan ugu badan kufsiga caadiga ah sababtoo ah waa fal-dembiyeed kufsi la beekhaamiyey ah. Fal-dembiyeedyadii kala duwanaa ee uu midna ahaa laba qof oo kala jinsi ah oo is xoogay midna ahaa laba isku jinsi ah oo wax iska dayey ayaa la mideeyey, wixii isku hal fal dambiyeed ahaan jirayna laba fal dambiyeed ayaa laga kala dhigay. Waxaan arkaa farqigii u dhaxeeyey labada jinsi in la mideeyey oo isku mid laga dhigay – labka iyo dhediga ba waa loo galmoodaaye waxba kuma kala duwana ayuu xeerkani ku farayaa. Xubnaha jidhka hore iyo gadaal, kor iyo hoos, halkii aad jaleecdaba galmo waa gelin oo waa xeelad badanleey ayuu xeerkani ku leeyahay. Waa loo wada joogaa in uu galmada xaaraanta ah ka hortago oo uu wax ka qabto iyo in uu wax aan hore loo arag abuuro.

Muxuu toloow noqonayaa iskudayga fal dambiyeedkani? Muxuu se kaga duwan yahay iskudayga kufsi? Bal ka warama xeer dhan oo ay faqradaasi qodobkii fal-dembiyeed ka hadlaya ba ay ugu dambeyso oo ay xitaa isku si u qoran tahay ciqaabta mooyaane. Waxa muhiim ahayd in horta xeerka lagu qeexo waxa uu xeerku u yaqaan iskuday ama uu meel kale oo ay ku qoran tahay tilmaamo, haddii kale qodob walba sifo gaar ah ayuu iskudaygiisu leeyahay taabashada iyo dhunkashada iskudaygoodu muxuu noqon toloow? Mooji!

Waa innoo todobaadkan gudahiisa iyo inta ka dhiman qaybtan 2aad oo aynu dhammeystiro haddii Alle SWT uu innoo saamaxo.

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Email: Abdishakur Ali Mohumed
Burco/Hargeysa, Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.