Qayb-bay ka ahaayeen qayilkayga Waxa: Qoray Cumar Seerbiya

0
159 views
Hirdanka Labada Xisbi Muxaafid iyo Waddani ee Xuska 18 May!

Bal ka waran adiga oo markii aad sidaasi uun iskugu laabtay salligii aad salaadda casar ku tukutay aad qolkaaga gasho ka dibna caraftii uunsigu ay ku qaaday oo aad ku dhiiratay inaad si dhakhso ah u dhex fadhiisato .
ogaw waxa ku diyaarsan shaah laba nooc ah mid waa kii qafiifka ahaa ee ay caleentu ku yarayd ee qayilaadda iyo weliba darmuus kale oo shaaxii caanaha lahaa ka buuxo , ku darsoo waa maalinku waa Arbaca.
waxaana halkan kuu yaalla salli si fiican u fidsan , laba barkimo, Raadyaw National ah iyo bac canjalado ah oo dhammaantood ay ku qoranyihiin magacyada ay codadkoodu soo bixi doonaan haddii la daaro , sidoo kale waxa ii diyaarsan saddex Mijood oo ah Qaadkii Hereriga ahaa Allow Alle .
sigaarka ayaamahaasi ma bilaabin welina sidii ayaan ka ahay waxaan markiiba isweydiiyey intaan laan Jaad ah ah afka hore ka goostay cajaladeed ugu horrayn ku riixdaa Rikoodhka .
inkasta oo ay todoba yihiin hadana waa saddex midab waxaanse ugu horrayn gacanta ku dhigay midda caddaanka ah ee ay ku qorantahay A C H D oo aan u fahmay inuu yahay Axmed Cali Haaruun Dararamle balse aan codkiisa ku shaki baxay
waan daaray markii nalkii guduudnaa uu raadyawga korkiisa ka baxay “waxaan ku warhelay hal mar aniga oo kaligay sacabka tumaaya hadana waxaan is arkay inaan laantii labaad qaniinay tii saddexaadna la soo baxaayo ” sababtuna waa waxaan dhagaysanaayey heetii Heello oo lagu tilmaamo ilaa maanta inuu ahaa qofka ugu codka macaan ee qaaday .
mar kale ayaan dhinaca kale u gadiyey cajaladii inta ayna codkeedii soo bixin ayaan isweydiiyey ileen qaadkii kaama dhamaanine fadhigiina wuu kuu socdaaye maxaad cajalada madaw u gashan weyday iyana?
soo qabtay oo iyana daaray waaba Faysal Cumar Mushteek oo ayna waqtigaasi lahaa xabeeb yar oo meel fog ah oo qaadaya heestii Subcis oo uu isagu lahaa laxankeedaba .
markay halkaasi marayso ayaan isku cabsooday in qaadka mirqaankiisa oo batay iyo codadkan oo midiba wax i xasuusinayo inaan meeshan ku jirado oo weliba aan sharixi kari waayo waxa igu dhacay .
aan kuu soo ururiyee galabtii Arbacaad hal mar waxa isku dhammaaday . Hererigii , todobadii cajaladood , labadii nooc ee shaaxa ahaa balse aniga iyo naftu waxaanu ku ballanay waa inoo Arbacada soo socota iyo fadhigan iyo weliba cajaladaha oo lagu soo daro tii Cabdsalle Sagsaag ku duubnaa oo aanan hadda midabkeeda garan karin .

khamiis ayey noqotay maalinkii xigay anna subaxdii hore ayaan diyaarsaday buugaagtaydii ileen Arday ayaan ahaye subaxyada khamiista inta badan dugsiga xiisaduhu ma badna mararka qaar sheeko ayey noqotaaba maali .
khamiistanse waxaan ogaaday inay ka xiiso badantahay kuwii hore sababta oo ah waxa saddex xiisadood oo midi sheeko tahay noo galay , macallimiintii fanka ee shalay fadhiga ii qurxiyey .
waa isla doorasho Ilaahe waxayna ahayd markii ay hal mar noo wada yimaadeen Maxamed Mooge, Faysal Cumar Mushteek , iyo Cabdalle Maxamed Carraale Sagsaag oo fanka ka sakaw ay intooduba ahaayeen macallimiin dadka wax bara.
anigu si aan u sacabiyo kursigii aan wax ku dhiganaayey ayaan xagga sare kaga istaagay markii ay soo galeen.
waxaan weydiiyey aaway Dararamle ? Faysal oo qoslaya ayaa iigu jawaabay adeer maalinka xiga ayuu na soo raacayaa maanta dugsi kale ayuu aadaye .
intaan kor u hadlay ayaan hadana aamusay waxaan rabay inaan u sheego in shalay oo dhan aan ku mirqaamayey heesahoodii hadana waxaan ogaaday inay fasalka fadhido gabadh xidhiidh jacayl oo aan shac bixin uu naga dhexeeyo oo aan u sheego iyadana inaan qayilin?

sheekadan waxa ka waramay nin arday ka ahaan jiray Hargeysa

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.