Qarqaash Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland & Imaaraadka

0
612 views
Qarqaash Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland & Imaaraadka

Qarqaash Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland & Imaaraadka

Wasiirru-dawlaha arrimaha dibadda dawladda Imaaraatka Carabta Anwar Qarqaash ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxaa uu ku yidhi; “Sanado badan oo ay shaqo adag ka qabanaysay taageeridda degganaanshaha iyo la-dagaalanka argagaxisada iyo budhcadbadeedda Soomaaliya; dedaallada horumarineed ee Jabbuuti iyo Somaliland; iyo xidhiidhka siyaasadeed ee Ereteriya iyo Itoobiya, dawladda Imaaraadku waxay Geeska Afrika u noqotay wehel karti leh, oo joogitaanka Carbeed u soo dhoofisa mandiqaddan muhiimka ah.”

Wasiirru-dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka oo ka hadlay isbedellada ka socda Geeska Afrika waxa uu sheegay in furfurnaanta siyaasadeed ee dalalka Geesku muhiim u tahay ammaanka gobolka. Waxa uu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Imaaraadku tahay mid ixtiraam weyn u haysa siyaasadda Geeska Afrika iyo dawladihiisa oo ay dawladda Imaaraadku bahwadaag muhiim ah u tahay.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Sheekh Abdullaahi Bin Sayed Al Nahyan ayaa soo dhaweeyay waaga cusub ee u baryay dawladdaha Itoobiya iyo Ereteriya oo dhawaan heshiis nabad iyo iskaashi ah kala saxeexday. Waxa uu sheegay in heshiisku yahay mid wax weyn ka taraya dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga labada dal iyo gobolkaba waxaanu balanqaaday in Imaaraadku dalalkaasi kala shaqayn doono horumarka iyo ammaanka.

Hadallada madaxda Imaaraadka ayaa muujinaya sida ay u danaynayaan Geeska Afrika oo ay xidhiidh fiican la leeyihiin siiba Somaliland iyo Itoobiya oo ay heshiisyo dhanka horumarinta ah kula jiraan.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.