Qarqaash Oo Ka Hadlay Dekedda Berbera & Shuruud UAE Ku Xidhay Somalia

0
508 views
Qarqaash Oo Ka Hadlay Dekedda Berbera & Shuruud UAE Ku Xidhay Somalia

Qarqaash Oo Ka Hadlay Dekedda Berbera & Shuruud UAE Ku Xidhay Somalia
Wasiirru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Dr. Anwar bin Mohammed Qarqaash, ayaa ka hadlay dhexdhexaadin laga dhex wado dawladdiisa iyo dawladda Soomaaliya kadib khilaafkii kala kaxeeyey ee salka ku hayey heshiiska dhexmaray Somaliland iyo UAE ee ku saabsan maalgelinta shirkadda DP WORLD ku horumarinayso dekedda Berbera.
Mr Qarqaash oo ka jawaabaayey su’aal laga weydiiyey horumarinta ay shirkadda Dp World ka waddo dekedda Berbera xili uu khudbad ka jeedinaayey mac-hadka Policy Exchange oo ku yalaa dalka Ingiriiska waxa uu soo bandhigay shuruud Imaaraadku ku xidhay dib u soo celinta cilaaqaadka Soomaaliya.
“Anaga muhiimadayadu waa sidii gobolku u heli lahaa xarun qaybinta dhinaca alaabooyinka ah. anaga oo ka faa’iidaysanayna khibradda balaadhan ee aanu u leenahay waxaanu hayna suuq balaadhan oo Itoobiya ah, marka aan u soo noqdo mashruuca dekedda Berbera waxaanu hore uga wada hadalnay Somaliland-ta guulaysatay, hase-yeeshee Soomaaliya ayaa is tustay wax ka duwan wixii aanu halka ka wadnay sababo dhawr ah dartood,” Sidaas ayuu yidhi Qarqaash.
Waxa uu intaasi raaciyay “Waxyaabaha Soomaaliya is tustay waxa ka mid ah saamaynta ay waddamo Carbeed ku leeyihiin gobolka sida Sucuudiga iyo waddomo kale,” Waxaanu intaasi raaciyay shuruudda ku xidhan dhexdhexaadin dhexmarta Soomaaliya iyo Imaaraadka “Waxa aanu dalbanayna in Soomaaliya raalli gelin ka bixiso sidii ay ula dhaqantay lacagtii sagaalka milyan iyo dheeraadka ahayd ee loo waday ciidamada taas oo ah waxa aanu ku wada shaqayn karno Soomaaliya, Dawladda Federalka ahna si aan wanaagsanayn uga hawlgashay.”
Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa isku jiidhay xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka markii Saldhig Militari iyo dekedda Berbera lagu wareejiyay Imaaraadka waxaana arrinta sii xumeeyay diyaarad siday lacag ku dhaw 10 milyan oo dollar oo xukumadda Muqdisho qabsatay iyada oo si khaldan ula dhaqantay ciidamo diyaaradda saarna. Somalia ayaa lacagta u arkaysay mid lagu laaluushayo dad ka soo horjeeda xukumadda halka Imaaraadku ku dooday in ciidamo uu tababaray mushahar loo siinayay.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.