“Qaran Kuma Dhismo Qoys Iyo Laba Qoys Oo Xulufo Noqda Ama Jeegaan Noqda,” Wasiir Maxamuud Xaashi

0
576

Hargeysa(Sayruuq)  Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in aanay qaran dhisi Karin beelo is bahaystay laakiin, ay suuro gal noqon karto in xisbiyadu ku kala cod bataan degaannada. Hadalka wasiirka ayaa daba socda arrinta Somaliland laga hadal hayo ee ku saabsan heshiiska Subeer Awal iyo Habar Jeclo ee ah in ay Kulmiye wada dhistaan.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlayay munaasibad kooban oo loo qabtay gaadhi la siiyay degmada Xaaji Saalax ee gobolka Oodweyne waxa uu sheegay in ay wax badan u qabteen bulshadii codka siisay 2010 oo aanay maanta isku ciil kaambiyayn ama lahayn waa maxay waxan aanu dooranay, sidoo kalena kuwii ka codeeyay aanay ka xumayn oo ay arkayaan waxqabadka.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay hadda warbaahinta ka baahiyaan taxane ah waxqabadka xukumadda Kulmiye kuwaas oo muujinaya in aanay xukumaddu dadka ugu kala sad burin sidii codka loo kala siiyay “Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye u maamulay dalka si siman oo caddaalad ah oo aan salka ku hayn codkii qaabku u dhacay Dhukumentari filimyada aanu soo daynay ayaa muujinaya in aan loogu kala badani xata sidii loo kala codeeyay,” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaash.

Wasiirka oo sii hadlayay waxa uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo ay muujinayaan(Dhukumentari filimyada) waxqabadka aanu soo bandhignay in aanay dalkan ka jirin dad gaar ah oo xuluf ah oo xeegan wadaag leh. Qaran kuma dhismo qoys iyo laba qoys oo xulufo noqda ama jeegaan noqda ama xabbaadh noqda kuma dhismo Qaran. Qarankani waa mid balaadhan waa umad balaadhan hoggaamiyaha Madax ka noqdaana wuxuu u sameeya qaab. Taariikhda ayaa qiri doonta Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka tagaya iyo xisbiga Kulmiye dalka sida ay u maamuleen,” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyada oo dorraad musharrax Faysal Cali Waraabe xukumadda ku eedeeyay in ay hagaysay shir beeleedka Burco ka dhacay, islamarkaana ay dhiiri gelinayso qabyaaladda. Dad badan ayaa arrin qabyaaladda dhiiri gelinaysa ku macneeyay heshiiska labada beelood iyada oo ay horeba u jirtay dhaqdhaqaaq qabyaaladeed oo ololaha xisbiyada lagu loohay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here