Qaramada Midoobay Oo Ka Walaacsan Xiisadda Tukaraq

0
325 views
Qaramada Midoobay Oo Ka Walaacsan Xiisadda Tukaraq

Qaramada Midoobay Oo Ka Walaacsan Xiisadda Tukaraq

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ay aad uga walaacsan tahay iskudhacyo dhawaan dhex maray maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo ku muransan degaanno ka tirsan gobolka Sool.

Iskuduwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Peter de Clercq, ayaa BBC-da u sheegay in khilaafka Tukaraq ka taagan ay ku dhinteen tobonaan dad ah, sidoo kalena ku barakaceen dad kor u dhaafaya labo iyo toban kun oo qof.

Waxa uu sheegay in dadka barakacay ay ku sugan yihiin xaalad aad u liidata ayadoo halkaas ay dhawaan ku dhufteen abaaro iyo duufaanno xigay.

Waxaa jira walaac laga qabo in kooxda jihaad doonka ah ee Alshaabab iyo kooxda yar ee ka tirsan ururka isku magacaaba dawladda Islaamka ay ka faaidaystaan xaaladda halkaa ka taagan.

Sidoo kale hay’adda caalamiga ah ee ka shaqaysa hawlaha wax ka qabashada Xasaradaha Dunida ayaa dhawaan warbixin ay soo saartay ku sheegtay in maamulka Puntland u nugul yahay dagaal ka sii jira Tukaraq iyada oo ay kooxaha xagjirka ahi ka faa’iidaysan doonan, halka Somaliland ku waayi karto sumcadeeda ah in ay nabadda ku suntan tahay.

Xiisadda u dhexaysa Somaliland iyo Somalia ayaa walaac ka abuurtay gobolka mana jiro waanwaan ama wada hadal labada dhinac u dhexeeya iyada oo laga cabsi qabo dagaal xilli walba ka dhex dhici kara.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.