Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Xiisadda Tukaraq

0
707 views
Michael Keating Oo Sheegay In Bulshada Sool Xaq U Leedahay Go’aaminta Mustaqbalka Xiisadda Tukaraq
Danjire Michael Keating

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Xiisadda Tukaraq

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda u dhexaysa dawladda Somaliland iyo maamulka Soomaaliya ee Puntland, kadib markii shalay ciidamada labada dhinac ku dagaallameen degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Wakiilka Somaliland iyo Somalia u qaabilsan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Amb Michael Keating ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku baaqay in khilaafka wada hadal lagu dhammeeyo “Qaramada Midoobay waxay ku boorrinaysa labada dhinac in ay ka wada hadlaan sidii looga wada shaqayn lahaa xabad joojin iyo heshiis siyaasadeed,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dagaalku sababi karo barakaca tobanaan kun oo qof iyada oo ay hore u cakirnayd xaaladda bani’aadanimo, islamarkaana ay adag tahay in loo helo maalgalin baahiyahooda. Waxa uu sheegay in ay degnaanta gobolka uga sii darayso, islamarkaana kordhinayso dagaallada xagjiriinta.

“Wakiilka gaarka ah( Michael Keating) waxa uu xukumadaha Somaliland iyo Puntland ku boorrinaya in ay degdeg u raadiyaan xal nabadeed oo khilaafkooda lagu dhammeeyo,” Sidaas ayuu yidhi Mr Keating.

Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa shalay ku dagaallamay aagga Tukaraq waxaana dhexmaray dagaal culus oo keenay dhimasho iyo dhaawac laakiin, aan wali xog rasmi ah laga helin.

Wararka laga helayo Xaaladda aagga Tukaraq ayaa sheegaya in ay ilaa shalay galab degenayd laakiin, lama oga in dagaalku joogsan doono iyo in kale.

Source:UNITED NATIONS CALLS FOR IMMEDIATE END TO FIGHTING AND DIALOGUE FOLLOWING CLASHES BETWEEN ‘SOMALILAND’ AND PUNTLAND FORCES IN TUKARAQ

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.