Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Sida Ay Uga Go’an Tahay Xal U Helidda Xiisadda Tukaraq

0
241 views
Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Sida Ay Uga Go’an Tahay Xal U Helidda Xiisadda Tukaraq
Weftiga QM Iyo IGAD

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Sida Ay Uga Go’an Tahay Xal U Helidda Xiisadda Tukaraq
Hargeysa(Sayruuq) Wefti ka socda Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa shalay kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi waxaanay isla gaadheen is faham afar qodob ah oo ku saabsan xal u helidda xiisadda Tukaraq ee Puntland iyo Somaliland u dhexeysa.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sharraxay arrimaha la isla gartay “Waxay weftiga iyo madaxweynuhu ka wada hadleen xidhiidhka labada dhinac iyo arrimo ay ka mid tahay sidii loo maarayn lahaa xiisadda Tukaraq. Waxa la taataabtay dhawr qodob oo ah sidii loo maarayn lahaa xiisadda oo ay ka mid tahay in xabad joojin la sameeyo, in maxaabiista la isu celiyo, in loo ogolaado hay’addaha samafalka in ay gargaar u fidiyaan dadka colaadda ku tabaaloobay wax badana waa la isla fahmay oo waa la isla qaatay wada hadalkuna wuu socda,” Ayuu yidhi wasiir Sacad oo sheegay in uu guul ka rajaynayo wada hadallada.
Waxa isna kulanka kadib saxaafadda la hadlay danjiraha IGAD ee Somaliland iyo Somalia oo yidhi “Waxaanu u nimid Somaliland si aanu u raadino xalka xiisadda Tukaraq. Waxaanu la kulanay mudane Muuse Biixi Cabdi anaga oo yeelanay wada hadal wanaagsan oo aanu ku eegnay dhawr qodob oo kala ah; joojinta colaadda, ogolaanshaha gargaarka, isu celinta maxaabiista, in degdeg wada hadal loo bilaabo si dhammaan arrimahan loo xalliyo loona dhiso kalsooni,” sidaas ayuu yidhi ergayga IGAD Amb Maxamed Cali Guyo.
Kuxigeenka xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa isna sheegay in si xal loogu helo colaadda Tukaraq ay kulamo la lahaayeen labadii cisho ee u dambeeyay qaybaha Somaliland sida shirguddoonka baarlamaanka, wasiirka khaarajiga, ururada bulshada iyo madaxweyne Biixi. Waxa uu sheegay in qodobada la isku raacay hirgelintooda la sii wadi doono “ Waanu isku soo noqon doona si aanu u sii wadno hirgelinta qodobadan, waxa kale oo aanu la wadna Puntland iyada oo aanu dawladda Federalka ahna wada hadalka arrintan la wadno si aan dhammaanteen xal ugu helno dagaalka Tukaraq,” Sidaas ayuu yidhi xoghaye xigeenka Qaramada Midoobay Mr. Raisedon Zenenge.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.