Qaramada Midoobay Oo Diidan Cunaqabataynta Somalia La Damacsan Tahay Somaliland

0
492 views
Qaramada Midoobay Oo Diidan Cunaqabataynta Somalia La Damacsan Tahay Somaliland

Qaramada Midoobay Oo Diidan Cunaqabataynta Somalia La Damacsan Tahay Somaliland

Kuxigeenka xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Peter De Clercq waxa uu sheegay in ay doonayaan in si rasmi ah loo dhaqan galiyo hannaanka gaarka ah ee beesha caalamku deeqaha u siiso Somaliland waxaanu muujiyay sida qaadhan bixiyeyaashu uga soo horjeedaan dalabka Soomaaliya.

“Anagu waxaanu jeclaan lahayn in uu sii jiro heshiiskan laakiin, wali waxaa ka jira muran kaas oo aan xal laga gaadhin. Balse ujeedadeenu waxay marka hore tahay in si rasmi ah loo dhaqan galiyo oo loo joogteeyo taageerada sida gaarka ah loo siiyo Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Peter De Clercq.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan qaadhan bixiyeyaasha waydiisatay in meesha laga saaro deeqaha Somaliland lagu siiyo hab macaamil gaar ah oo ay hore ugu heshiiyeen Somaliland, Somalia iyo qaadhan bixiyeyaasha waxaanay doonayaan in deeqda iyaga lagu wareejiyo si ay wixii ay u gartaan u siiyaan Somaliland waxaanay u muuqata in qorshahaas ay beesha caalamku ka diiday.

Dawladda Somaliland ayaa nasiib darro ku tilmaantay in xilligan Soomaaliya cuno qabatayn la damacsan tahay Somaliland waxaanay beesha caalamka ku boorrisay in aanay arrintaasi dheg u dhigin.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.