Qalbi-Dhagax “Soomaali Wa Hal Dad, Waa Hal Diin Waa Hal Dhalasho Waa Hal ummad”

0
292 views
5 Qodob Oo Ay Tahay In Qalbidhagax Sharraxo

Qalbi-Dhagax “Soomaali Wa Hal Dad, Waa Hal Diin Waa Hal Dhalasho Waa Hal ummad”
Addis(Sayruuq)-Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax oo markii ugu horraysay ka hadlay xadhigiisa tan iyo markii lasoo daayay ayaa sheegay in koox yar ay gaysatay xadhigiisii.

Qalbi-dhagax oo u mahadceliyay dadka soomaaliyeed ee sida wayn ugu dooday muddadii uu xidhnaa ayaa waxaa uu sheegay in cidkasta oo ummadda soomaaliyeed kala qaybinaysaa ay tahay cadow soomaaliyeed.

Cabdikariin Qalbi-Dhagax ayaa yidhi; “Qof kasta oo soomaali ah wuxuu ka midaysan yahay damiirka walaalnimo iyo soomaalinimo wixii kala qayb-gabinayaa waa cadow soomaaliyeed wixii isku dirayaa waa cadow soomaaliyeed waa hal dad waa hal diin waa hal dhalasho waa hal ummad sabab ay ku kala tagi karaana ma jirto waxay ka guulaysan doonaan cid kasta oo cadowgooga iyo xaasidkooda ah waxay ku guulaysan doonaan ILLAAHAY magaciisa iyo kartidooda waxay noqon doonaan ummad gaadha aayaheeda iyo qiyamkeeda..”

Qalbi-dhagax ayaa hadadlkan ka yidhi magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.
Sayruuqnews
Hargeisa Somaliland
sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.