Qalbi-dhagax Shaaciyay Ciddii Dhiibtay & Sidii Loo Xidhay

0
604 views
Qalbi Dhagax Oo Somaliland Ammaanay

Qalbi-dhagax Shaaciyay Ciddii Dhiibtay & Sidii Loo Xidhay

Addis Ababa(Sayruuq) Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan Itoobiya sii daysay ayaa markii u horaysay ka sheekeeyay sidii loo dhiibay waxaanu sheegay in go’aanka lagu dhiibay uu rumaysan yahay in madaxda ugu saraysa Somalia lahayd. Waxa uu sheegay in cidda kaliya ee leh sii dayntiisu ahayd ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo kulan uu la yeeshay oo uu kala hadlay arrimaha gobolka iyo Itoobiya kadib uu sii daayay.

Qalbi Dhagax oo la waydiiyay su’aasha sida weyn la isu waydiinayo ee ah yaa ka masuul ahaa dhiibistiisa waxa uu ku jawaabay “Xadhiggayga dee waxaa iska lahaa qolada Farmaajo waxaana hawshayda gacanta ku hayay hay’adda nabad sugidda, Gaalkacayo iyaga iga soo qabtay, saddex habeen bay igu hayeen dhibaato badan bay runtii iigu gaysteen. Marka kadib aniga oo katiinadaysan oo indho duuban bay Xamar ii soo qaadeen waxaana la igu riday Godka Jilacow oo 3 habeen la igu hayay dabeedna 28 August 2017 ayaa subax hore la I soo saaray sidaasna la iigu wareejiyay ciidamada Itoobiya aniga oo indhaha iyo gacmaha ka xidhan,” Sidaas ayuu yidhi Mr Qalbi Dhagax.

Waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in madaxda sare ee Soomaaliya ogayd qorshaha Itoobiya loogu gacan galinayay “ Waxaan filaya muddada 6 lixda cisho ah ee aan Somalia ku xidhan oo aan 3 Gaalkacayo ku xidhna saddexna Muqdisho masuuliyiintu way ogaan karayeen sida: Madaxweynaha, ra’isal wasaaraha, taliyaha nabad sugidda iyo ciddii kale ee ka agdhawaydba, marka sida ay uga wada tashadeen iyo go’aanka sida ay u wada qaateen ma garan karo,” Sidaas ayuu yidhi isaga oo sheegay in uu aamminsan yahay in ay isla ogaayeen go’aanka lagu dhiibay balse uu ogaan doono sida ay masuuliyadda u kala leeyihiin.

Waxa xusid mudan in xukumadda Farmaajo markii la dhiibay kadib Qalbi Dhagax ku sheegtay nin Itoobiyan ah oo sifo sharci ah dalkiisa loogu dhiibay kana mid yahay ururka ONLF oo ay argagixiso ku sheegtay xidhiidhna la leeyahay Alshabaab inkasta oo aan su’aalahan la waydiin Qalbi Dhagax wuxuu mahad balaadhan ka sheegtay Soomaalida oo uu ku tilmaamay dadkiisii oo si aan kala hadh lahayn hiil ugu muujiyay.

Waxa uu hadda tagi doona Nairobi oo uu uga sii gudbayo arlada Soomaalida intii uu ka gaadho si uu ugu mahadceliyo.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.