Qalbi Dhagax Oo Somaliland Ammaanay

0
700 views
Qalbi Dhagax Oo Somaliland Ammaanay

Qalbi Dhagax Oo Somaliland Ammaanay

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo dhawaan Itoobiya ka sii daysay xabsi ayaa ammaanay dawladnimada iyo horumarka ay gaadheen dadka reer Somaliland waxaanu nabad ugu baaqay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas. Waxa uu labada hoggaamiye ku boorriyay in aanay dhiig Soomaaliyeed ku daadin degmada Tukaraq oo aan macno badan ku fadhiyin, islamarkaana wada hadal lagu dhammeeyo khilaafaadka.

Qalbi-dhagax oo ka hadlayay munaasibad soo dhawayn ah oo loogu sameeyay caasimada Kenya ee Nairobi waxa uu yidhi “Waxaan jeclahay in aan wax yar ka taabto madaxda dawladda Somaliland iyo Puntland, dawladda Somaliland iyo madaxweynaheeda Muuse Biixi Cabdi aad iyo aad baan ugu mahadcelinaya sida ay isugu tashadeen, sida ay dalkoodii iyo dadkoodii u mideeyeen, sida ay ammaankiisa u sugeen oo ay gaadhsiiyeen doorasho qof iyo cod ah oo lagu kala badiyo hal dheeri. Sidaas darteed dadka kale ee Soomaaliyeed iyo maamulladooda waxa la gudboon in ay walaalahood kaga daydaan horumarka ay gaadheen iyo dadaalka ay sameeyeen.”

Waxa uu intaasi ku daray in madaxweyne Biixi iyo Cabdiwali Gaas oo loo arkayay niman ehelu caqli ah oo aqoon yahan ah ay hankooda hoos u dhigtay colaadda Tukaraq “Waxay isku haystaan 1Km oo la yidhaahdo Tukaraq, waxaa ku dhimatay dhallinyaro walaala ah, waxa ku goblamay waalid ilmihiisu ku dhintay, waxa ku agoomoobay carruur waalidkood ku dhintay sabab bogcad yar oo ka mid ah dhulkii Soomaaliya la isugu dilana ma garanayo. Sidaas darteed waxaan odhan lahaa madaxdaasi in ay dadkooda dagaalka ka daayaan una ogolaadan dadkii barakacay in ay dhulkooda dib ugu soo noqdaan,” Sidaas ayuu yidhi Mr Qalbi Dhagax.

Qalbi-dhagax waxa uu si qalbiga hurinaysa uga sheekeeyay qaabkii foosha xumaa ee madaxda Soomaaliya ugu wareejiyeen Itoobiya isaga oo sarkaal ONLF ah waxaanu sheegay in dadaal madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe sameeyay sababay in ra’isal wasaare Abiy Axmed sii daayo lana kulmo waxaanu ammaanay isbedellada ka socda Itoobiya.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.