Qalbi Dhagax Oo Ka Hadlay Sii Dayntiisa

0
300 views
5 Qodob Oo Ay Tahay In Qalbidhagax Sharraxo

Qalbi Dhagax Oo Ka Hadlay Sii Dayntiisa

Addis Ababa(Sayruuq) Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo muddo sannad ku dhow ku jiray gacanta dawladda Itoobiya ayaa shalay si rasmi ah xabsi ku yaalla Addis Ababa looga sii daayay.

Qalbidhagax oo sii deyntiisa ka dib la hadlay BBC ayaa sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay. Wuxuu intaa ku daray in muddadii uu xidhnaa uu haystay Raadiye iyo Internet, lana socday waxyaabaha caalamka iyo gobolka ka dhacaya.

Wuxuu BBC u sheegay in sii deyntiisa ay ka dambeeyeen dawladda Itoobiya, odayaal iyo xubno ka tirsan hay’adda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya.

Qalbi dhagax ayaa bishii Agoosto ee sannadkii hore laga qabtay badhtamaha Soomaaliya, muddo yar oo uu ku jiray gacanta dawladda Soomaaliya ka dibna waxaa lagu wareejiyey dalka Itoobiya.

Xukumadda Farmaajo oo ku sheegtay sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay argagixiso ku sheegtay ayaa cadho weyn oo bulshada ka timid kala kulantay dhiibistiisa waxaanay hadda sii dayntiisa kala kulmaysa waji gabax hor leh maaddaama uu isbedellada Itoobiya ka dhacay awgeed xorriyaddiisa helay. waxa la filaya in uu daaha ka faydo cidda dhiibtay iyo qaabkii loo dhiibay.

 

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.