Qadar Oo Taageero U Fidisay Somaliland

0
421 views
Qadar Oo Taageero U Fidisay Somaliland

Qadar Oo Taageero U Fidisay Somaliland

Hay’adda samafalka u qaabilsan dalka Qadar ee Qatar Charity ayaa sheegtay in ay cunto gaadhsiisay 500 qoys oo xoolahoodii iyo hantidoodii ku waayay duufaanta ku dhufatay Somaliland. Hay’adda ayaa sheegtay in tahay ururkii u horeeyay ee ka jawaaba Masiibada kadib markii Somaliland waydiisatay gargaarka.

Madaxa hay’adda ee xafiiskeeda Soomaaliya Abdel Nour Mirsal ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay 26 May cunto u qaybiyeen degmada Baki ee gobolka Awdal iyo degaannada hoos yimaadda, iyada oo la beegsanayo qoysaska guryahooda, xoolahoodii iyo wixii ay hanti haysteen ku waayay duufaantii Sagar.

Waxa uu sheegay in ay cuntadu ka koobnayd cuntooyinka aasaasiga ah ee la jaanqaadaya xilliga Ramadaanta.

Waxa kale oo uu sheegay in ay qaybinayaan 1,150 giraam oo cunto ah taas oo qoyska ku filan bil socona doonta Saddex bilood iyo goobo ay biyaha ku kaydsadaan.

Somaliland ayaa hore xidhiidhka ugu jartay dalka Qadar iyada oo la safatay xulufada Imaaraadka iyo Sucuudiga laakiin, Qadar ayaa xidhiidh fiican la leh xukumadda Muqdisho waxaanay u muuqata in ay Somaliland ka dhigtay qayb ka mid ah Soomaaliya sida laga dheehanayo bayaanka Qadar ka soo baxay.

Source: Victims of Cyclone Sagar receive food aid from Qatar Charity

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.