Qadar Oo Danaheeda U Carbisatay Dhalinyaro Reer Somaliland Ah

0
1,122 views
Qadar Oo Danaheeda U Carbisatay Dhalinyaro Reer Somaliland Ah

Qadar Oo Danaheeda U Carbisatay Dhalinyaro Reer Somaliland Ah

Warbaahinta Eremnews oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka ayaa tabisay in dawladda Qadar carbisatay dhalinyaro isku dhaf ah oo ka soo jeeda Somaliland iyo Soomaaliya kuwaas oo wada olole baraha bulshada ah oo lagu quweeyo midnimada Soomaaliya lagagana soo horjeedo Somaliland.

Warbaahintan oo ilo kala duwan soo xiganaysa ayaa sheegtay in dhalinyaradan lagu abuuray fikrado ka dhan ah xulufada Sucuudigu si weyn ula dhacsan yihiin siyaasadda Qadar, Turkiga iyo Soomaaliya, islamarkaana ay maamulaan bogag baraha bulshada ah oo lagu dhalliilo Sucuudiga iyo Imaaraadka laguna faafiyo wanaagga Qadar, Turkiga iyo ciddii la dhacsan siyaasadahooda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Qadar saamayn xooggan ku yeelatay warbaahinta Soomaaliya, islamarkaana ay caawiso dadka wax ku soo bartay jaamacadaha Suudaan oo la dhacsan afkaarta Ikhwaanu Muslimiinta cadaawadna u qaba Imaaraadka iyo Sucuudiga halka ay Qadar iyo Turkiga siyaasadooda la dhacsan yihiin.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Qadar galaan gal badan u yeelatay siyaasadda iyo saxaafadda Soomaaliya, islamarkaana wariyihii hore ee Aljazeera uga warrami jiray Muqdisho haddana ah Agaasimaha madaxtooyada Somalia Fahad Yaasiin iyo Abulrasaq Maxamuud Shuuli u qaabilsan yihiin duufsashada dhalinyarada lagu anqarinayo fikradaha ka dhanka ah dalalka ay danaha isku hayaan Qadar.

Warbixinta waxa lagu sheegay in dadkaas uu ka mid yahay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo degana Burco kana shaqayn jiray tabinta iyo taakulaynta dadka dan yarta ah laakiin, hadda fadhigiisu yahay Qadar. Cabdimaalik ayaa marar badan tagay Muqdisho una muuqda mid siyaasadda Soomaali weyn la dhacsan.

Maalmihii u dambeeyay waxa uu si joogto ah u dhalliilayay dugsi boodhin ah oo ku yaalla duleedka Hargeysa. Dugsiga Abaarso Tech waxa maamula nin Maraykan ah waxaanay ardayda dhigata fursad u helaan in ay Maraykanka wax ku bartaan laakiin, Cabdimaalik ayaa dugsiga ku eedaynaya dhaqan xumo lamana oga waxa hadda ku soo beegay.

Source:كيف شكلت قطر شبكة معقدة من الحلفاء في الصومال؟

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here