Qadar Miyay Ka Faa’iidaysanaysa Khilaafka Imaaraadka & Somalia?Africanews

0
486 views
Qadar Miyay Ka Faa’iidaysanaysa Khilaafka Imaaraadka & Somalia?Africanews
Dawladda Qadar oo shalay basas siisay Somalia

Qadar Miyay Ka Faa’iidaysanaysa Khilaafka Imaaraadka & Somalia?Africanews

Xilli Soomaaliya isku dayayso dejinta xiisadda soo kala dhexgashay Imaaraadka Carabta ayay dawladda Qadar 30 Bas ugu deeqday Soomaaliya. Waxa loo arka in ay Qadar tahay xuddunta isku xoqaysa Imaaraadka iyo Soomaaliya oo khilaafkoodu halkii ugu saraysay gaadhay maalmihii u dambeeyay.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sii xumaanayay ilaa badhtamihii sanadkii hore markii Soomaaliya diiday in ay xidhiidhka u jarto Qadar, islamarkaana ay qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah.

Bishii Maarij ayay Soomaaliya mamnuucday DP World iyada oo waxba kama jiraan ku sheegtay heshiiska shirkaddu la gashay Somaliland iyo dawladda Itoobiya ee dekedda Berbera laakiin, arrintaasi Somaliland ayaa mid aan saamayn lahayn ku tilmaantay. Sidoo kale shalay ayuu madaxweynaha Puntland sheegay in aanay marmaamin hawlaha DP World ka waddo dekedda Boosaaso ee maamulkeeda lagu wareejiyay.

Qalalaasaha Diblamaasiyadeed

Todobaad ka hor Soomaaliya ayaa $9.6 Milyan oo Imaaraadku leeyahay ku qabsatay madaarka Muqdisho. Xilligan oo xiisad u dhexaysa Xukumadda iyo Baarlamaanku taagnayd ayay Somalia ka shakiday in siyaasiyiinta lagu laaluushayo lacagta laakiin, Imaaraadku wuxuu sheegay in ay tahay lacag loo waday ciidamada Imaaraadku tababaro ee Soomaaliya. Imaaraadku wuxuu tallaabadaas ku sheegay mid lagu jabiyay heshiis labada dal kala saxeexdeen 2014 iyo maamuuska diblamaasiyadda ee caalamiga ah.

Imaaraadka ayaa dhammaan xamaamtiisa ka qaatay goobaha uu maamulayay sida Saldhigyada ciidamada iyo Cisbitaalka Sheekh Sayed ee Imaaraadku gacanta ku hayay taas oo aar goosi u ah sida imaaraadku uga muraara dillaacay lacagtiisa xoogga lagula wareegay.

Warbaahinta Africanews oo Sayruuq ka soo xigatay warbixintan ayaa sheegaysa in Qadar Basaska u bixisay si ay uga faa’iidaysato khilaafka Cakiran maaddaama Imaaraadka/Sucuudiga iyo xulufadooda xafiiltan kulul ka dhexeeyo Qadar oo garabsanaysa Turkiga isna saamayn ku leh Soomaaliya.

Miliratiga ay Imaaraadka tababareen guud ahaan 980 askari, Dablaha waxuu qaataa $300, 2 Alifle $380, 3 Alifle $420 halka taliyaha hurinta uu qaato $450.

Comandos ay tababareen guud ahaan 328 askari, Dablaha wuxuu qaataa $470, 2 Alifle $520, 3 Alifle $570 iyo taliyaha horinta oo qaata $620.

Ciidamada Gaarka ah(Special Force) ay tababareen guud ahaan waa 62 askari, Dablaha waxa uu helaa $670, 2 Alifle $740, 3 Alifle 830 iyo taliyaha horinta oo qaata $950.

Puntland:  Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas waxaa uu sheegay in ciidanka ay Imaaraadka u tababareen Puntland ay gaadhayaan ilaa 2,000 oo ku nool Puntland oo dhan sida, Eyl, Isku shuban, Xaafuun, Daar-gaal, Qandala, Boosaaso, Ceelaanyo ilaa Laas-qoray isaga oo intaasi ku daray in ciidankaasi ay Al-shabaab kula dagaalaan dhulka sida Galgala iyo Cal-madow….ciidamadan waxaa ay qaataan in la mid ah kuwa kor ku xusan.

Sources:

Africanews

Goobjoog

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.