Qabyaaladda iyo dawladda

0
Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

Qabyaaladda iyo dawladda

Qabyaaladdu wax ay ka timaaddaa qabiilka oo aha dhaqan bulsheed dabiici ah oo ka dhasha qaabka ay dadku koox ahaan isu abaabulaan si ay isu kaashadaan is la markaa kooxo kale isaga caabbiyaan. Sida la garan karo bulshadii bilawga ahayd waxaa hoggaamin jiray hadba ninka u gu xoog weyn jidh ahaan, u gu dhiirran nafsad ahaan, u gu xeelad badan maskax ahaan, u guna wiilal iyo walaalo badan hiil ahaan. Tabtaas oo kale dagaalka labada qolo waxaa adkaan jiray hadba ta tiro badan. Halkaas bay qabiilka iyo qabyaaladdu ka soo unkameen, mana jirto dunida ummad aan halkaa soo marini. Hayeeshee iyada oo ku xidhan mar walba heerka ilbaxnimada dadkaa, muhimadda qabiilka iyo qabyaaladda iyo sida loo gu dhaqmaa waa ay ka la duwanayd oo isbeddelaysay. Tusaale ahaan kolkii Islaamku soo baxay wax uu la yimid in uu aad u ceebeeyo qabyaaladda oo shareeyo iyada oo aan jiritaanka qabiilka la burburin. Halkaa waxaa ka abuurantay waxa la yidhaahdo Ummad. Ummadnimadu ma aha qabiil iyo qabiilooyin midoobay, mana aha xitaa dadyow qaramoobay ama dawladoobay, waa se heer kale oo intaaba ka sii sarreeya, waayo waxaa loo gu abtirsaday caqiido ee loo gu ma abtirsan dhalasho, isirnimo iyo dawladnimo midnaba. Laakiin wax yar ka dib dhimashadii Rasuulka scw mar kale ayay qabyaaladdii Carbeed soo noolaatay iyada oo dardar cusub iyo awood dawladeed wadata. Taasi Carabta dhexdeeda iyo muslinka kaleba dhibaato aad u weyn bay u geysatay dad aan tiro iyo xaddi lahayn baana ku halaagsamay. Intii ka dambaysayna waxaa taabbagashay dawlad qabyaaladeed oo reer Banii Umaya iyo reer Banii Haashim is ku gumaadeen oo marba midkood qabsaday. Xaaladdaas ayaa ka jirtay dunida ilbaxa ah oo dhan, oo qolo wal oo heer dawladnimo gaadhay waxaa xukunka ka la dhaxli jiray hal qoys oo ka sii tirsan hal qabiil. Kolka isbeddel imanayo ee xukunku qolo kale ku wareegayana badanaa waxaa qasab ahayd in hoog badani dhaco oo dhiig badani qubto. Innaga dhankeenna ka ma ay jirin dawladnimo dhab ah oo hanaqaadday, waxaa se jiri jiray saldanado yaryar iyo oday dhaqameedyo qabiil oo aan awood maamul lahayn ee lahaa oo keliya awoodda guddoonka maalinta geedka la joogo. Labada goorbana sidaa kore ayay ahaayeen dhalasho iyo dhaxaltooyo, oo badanaa ahaa reerka qabiilkaa u gu faro badan.

Iyada oo dunidu sidaa soo ahayd kumanyaal sannaddood ayay Yurub ka bilaabatay dawladnimada casriga ah oo aan ku dhisnayn dhaqankii xoogga iyo dhaxaltooyada midnaba, ee ku dhisan maskax iyo qanaaco bulsheed. Haa, maskax bay ku dhisan tahay oo aqoontooda iyo falsafaddooda nolosha ee kortay baa tidhi ”maxaa inoo hidde ah innaga daaya oo maxaa inoo dan ah?”. Qanaaco bulsheed bayna ku timid oo talada dawladda waxaa la gu saleeyay doonista iyo doorashada xorta ah ee dadka intooda badani is ku raacdo. Kolkii boqorradii iyo baadderiyadii is huwanaa la laayay ama awoodda la ga xayuubiyay, waxaa la sarraysiiyay xaqa qofka, u sinnaanta xuquuqda waddaninimada, wada lahaanshaha dawladda iyo dheefteeda iyo sarraynta sharciga. Dalalkii boqortooyada daystay wax ay ka dhigeen gurijoog aan lahayn awood siyaasadeed ee keliya ku jira qasriyo la ga daawado hiddaha iyo taariikhda la soo maray. Dawladnimada casriga ah ee Yurub hirgelisay wax ay ku dhisan tahay aragtida ah ”dawladdu waa adeeg muwaaddinku u gu danaysto guulaynta noloshiisa iyo liibaantiisa: caddaalad ahaan, nabadgelyo ahaan iyo daryeel ahaanba, iyo in ay ka caawiso oo u gu adeegto horumarinta dadnimadiisa”. Ujeeddooyinkaas oo dhan waxaa gundhig loo ga dhigay sinnaan, dimuqraadiyad, xorriyad iyo sarraynta sharciga.

Dunida kale ee ilbaxa ahi kolkii ay ku hambaabartay dawladnimada ashaqaraarka leh ee Yurub ka hirgashay siyaalo ka la duwan ayay u ga falcelisay: Shiinaha, Jabbaan, Ruush iyo Cismaaniyadii Turkiga, tusaale ahaan. Cismaaniyadu mar dhexe aad iyo aad bay u gu dadaaleen in ay la jaanqaadaan casriga Yurub gaar ahaan dhanka farsamada iyo maamulka, laakiin dawlad gabowday bay ahayd oo waa ay kici kari wayday, waayo Turkiga ka ma dhicin kacdoonkii fikir iyo isbeddelkii dawladeed ee ka dhacay Faranskiiska, Jarmalka, Ingiriiska, Usteriya, Holland iyo dalal kale. U gu dambayn markii la dumiyay suldaannadii qabyaaladeed ee faasidka ahaa ee Jamhuuriyadu dhalatay wax ay ahayd goor dambe oo Yurubtii kale aad u sii fogaatay oo dunidii wada qabsatay khayraadkii oo dhanna keligeed afka u dhigatay. Ilaa waqtigan ayay soo gaadhay in Turkigu u egaado dawlad casri ah oo Yurub ku dherersan karta. Shiinuhu iyagu bilawgii aad bay u xaqireen horumarka Yurub mid farsamo iyo mid maamul labadaba, sida ay u ka la horreeyaan, waayo ma ay aqoonsanayn dunida in ay jiri karto cid iyaga ka horreyn kartaa, oo dawladdooda iyo ilbaxnimadooda lixda kun ee sano jirta wax u sheegi kartaa. Beri dambe oo ay arkeen in ay dhagaxoobeen ayuu dabadeed ka soo dhex baxay kacaankii xanuunka badnaa ee malyuumaadka qof ku dhinteen. U gu dambayn wax uu isu gu lugo duwaday hannaanka Hantiwadaagga, ilaa mabda’aasi guuldarraystay oo ay mar kale ku qasbanaadeen in ay Hantigoosiga isu furfuraan. Halkaa iyaguna wax ay ka ga baxeen dawladnimadii qabyaaladeed iyo boqortooyadii soojireenka ahayd. Weli se dawladnimadoodu ma aha mid u dhisan guulaynta qofka, wax ay se u dhisan tahay guulaynta dawladda dawlad ahaanteeda. Jabbaan in kasta oo aan kacaan fikir ka dhicin, oo aan maamulkii boqortooyada qabiilka ahaa la ridin, haddana wax ay u dhaqmeen si liddi ku ah sidii Shiinaha, aad bayna u gu qamaameen qaadashada aqoonta iyo farsamada Yurub ee cusub. Dabadeed waxaa u suuragalay horumar farsamo oo aan wadan horumarkii dawladeed, ilaa ay ku guulaysteen in ay qabsadaan oo gumaystaan Shiinihii kumanyaalka sano ka ilbaxnimada horrreeyay tobannaanka jeerna ka dadka badnaa. Dabadeed waa kuwii si aad u foolxun u gu jabay Dagaalkii II, markaas oo Maraykanku ku sandulleeyay dimuqraadiyadda iyo dawladda casriga ah ee ay maanta haystaan. Ruushka isaga kolkii Kacaanku ka dhashay ee boqortooyadii qabyaaladeed la ga takhallusay horraantii qarnigii tagay, xafiiltankii uu Yurubta Galbeed la lahaa baa u dhaqaajiyay dhan kale oo ah Hantiwadaag, ilaa uu soddon sano hortood qallibmay dabadeed hannaankii Yurub ee uu colaadin jiray u toobad keenay.

Maanta dhammaan dalalka Bariga Yurub, dhammaan Koonfurta Ameerika, inta badan qaaradda Aasiya, qayb weyn oo ka mid ah Afrika waxaa ka hirgalay hannaanka dimuqraaddiga iyo dawladnimada cusub ee Yurub la ga bartay, heer bilow ah iyo heer dhexe mid uun, laakiin weli ma jiro dal qudha oo si buuxda u gu guulaystay marka la ga reebo Jabbaan oo sida aynnu sheegnay la qabsaday. Dunida oo dhan cidda dawlad xumada u gu sii liidataa waa inta badan caalamka Islaamka. Maxaa haddaba muslinka badankooda ka reebay dawlad wanaagga? Laba arrimood oo is barkan baa la gu sheegi karaa. Ta hore waa caqliyadda iyo nafsiyadda qofka muslinka ah, siiba muslinka xiga dhanka cadceed u dhaca, oo rumaysan in isagu dadka u gu sarreeyo, oo aanu u baahnayn in uu cid kale ka barto sida dad iyo dawlad loo maamulo, kol haddii uu muslin yahay oo Alle siiyay Quraanka Kariimka ah, iyada oo ay xaqiiqo tahay Quraanka iyo islaamnimadu in aanay u xilsaarnayn sida dawlad casri ah loo samaysto. Cilladda kale ee muslinka Galbeedka dawladnimadooda dib u ridday waa colaadda xornimadii ka dib ka dhex aloosantay iyaga iyo Yurubtii dawladnimada wanaagsan tusaalaha u ahayd. Colaaddan oo dhawr waji yeelan karta, oo siyaasad iyo caqiido labadaba leh, waxaa u gu daran abuuristii qaadanwaaga ahayd ee dawladda Israa’iil, iyo dhanka kale nafsiyaddii iyo caqliyaddii qofka muslinka ah ee diiddanayd in ay jiri karto cid isaga ka arrin iyo talo wanaagsani. Qaabdarrada dawladeed ee muslinka Galbeed waxaa kale oo qayb weyn ka ah boqorrada Carbeed ee qabyaaladeed iyo shidaalka ay ku fadhiyaan oo Yurub iyo Maraykan qudhoodu in ay is ku ilaashadaan dan u arkeen. In xaqiiqooyinkaa isbiirsaday jiraan waxaa caddaynaya muslinka Bariga dawladnimadoodu meel wanaagsan bay maraysaa, tusaale ahaan Indooniisiya iyo Mallaysiya, waayo ku ma ay milmin duurufaha haysta muslinka Galbeedka.

Innaga dawladnimadeennu qabylaadda waa ay ku dhalatay, waayo dhaqan dawladeed oo innooga horreeyay baan jirin. Kolkii aynnu dawladnimada qaadannay tacliintu aad iyo aad bay u hoosaysay, waaya’aragnimada dawladda iyo maamulkeeda loo lahaa eber bay ahayd, saboolnimada magaaladuna aad bay u xumayd, sidaa darteed dadka dawladda galay ma ay lahayn awood nafsiyaseed iyo maskaxeed iyo xitaa nloleed oo qabiilka ka maaranta. Waxa keliya ee berigaa dawlad casri ah oo aan qabyaalad ahayn suurageli kari lahaa waa iyada oo la heli lahaa kooxo bulsheed oo fikir ahaan aad u jabsan oo si miiggan oo xanuun kulul bulshada u beddela, taasina ma ay jirin. Sagaal sannadood oo silic iyo galgalasho ah ka dib waxaa la soo gaadhay markii wax uun isbeddeli lahaayeen, waxaana dhashay Kacaankii Oktoobar oo ay xaqiiqo tahay maalintaa in loo baahnaa. Kooxdii fikir ahaan jabsanayd ee miigganayd ee aynnu sheegnay in baahi loo qabay ayay saraakiishii Kacaanku u ekaadeen ama isu ekaysiiyeen. Wax ay ku dharteen, ficil ahaanna bilaabeen, in ay dawladnimo casri ah hirgelinayaan, qabiilka xabaalayaan, musuqmaasuqana suulinayaan. Intii taa la rumaysnaa ee rajadeeda la qabay ayaa askartaa la raacsanaa, maalintii la ga waayayna reer waliba dib buu isugu noqday oo dantiisa qabiil qori u qaatay. Halkaas bay weli ilaa maanta taagan tahay dawldnimada Soomaalidu. Iskuday dawladayn iyo dimuqraadiyayn ah oo dunidu aad u dhiirrigelisay weli waa fadhiid, tijaabadii u gu muhiimsanayd oo ah Soomaalilaand ayaana runtii maanta u gu fashil iyo folxumo weyn. Qabyaaladda dawladeed, sharci la’aanta, musuqa, maamulxumada iyo xuquuq la’aanta muwaaddinku wax ay joogaan heer aan waxbaba la la yaabin. Waa markii kowaad taariikhda Soomaalida ay xukuumad dhan ilaa madaxweynihii talada hayay ay qabiilooyin wacad u ka la qaadeen in ay dawladda qabyaalad ku qaataan. Waa markii kowaad taariikhda Soomaalida ee qof leh wax aan ahay madaxweyne uu af cad ku yidhaahdo reer hebel iyo reer hebel baa dawladda ii dhiibtay. Waa markii kowaad taariikhda Soomaalida ee si badheedh iyo ceeb la’aan ah loo yidhaahdo ”dawladda reer hebel”. Waa markii kowaad taariikhda Soomaalida ee dadku is la wada qirsan yahay, mucaarad iyo muxaafid, in boqollaal malyuun oo Dollar oo umaddu lahayd sidii la doono loo qaatay qarsoodi la’aan. Waa markii kowaad ee taariikhda Soomaalida la ka la garan la yahay waxa xoolo dawladeed ah iyo waxa xoolo ganacsato ah. Waa markii kowaad taariikhda Soomaalida ee dakhliga dawladda inta goobta shaqada shandado la ga ga soo qaado kijada madaxtooyada la gu qaybqaybiyo. Waa markii kowaad ee taariikhda Soomaalida dadka xabsiga loo gu guro dhar midab gaar ah leh baad gashatay, bilayska sharcigu ha qabto baad tidhi, magaalo kale oo Soomaaliyeed baad tagtay ama qof kale oo Soomaaliyeed baad is la sawirtay. Sababtaas bay u tahay tijaabadii loo gu hanweynaa ee dunidu maalgashaatay ee haddana u gu guuldarro weyn (dawladaaynta dunidu ka waddo Koonfurta weli natiijadeedu ma cadda). Si kale haddii eegmada la sii durkiyo, gabi ahaanba dhulalka Soomaalida waxaa ka abaabulan siyaasad qabyaaladeed, mana jirto meel qudha oo ay ka muuqato saadaal qarannimo, haddii aan loo xilqarin Xamar oo shisheeye riixayo welina aan dhan u dhicin.

Ma yeelan kartaa Soomaalidu haddaba dawladda casriga ah ee ay raadinayso una baahan tahay? Haa, laakiin bishardi: Waa in la helaa kooxo fikir ahaan jabsan oo miiggan oo rumaysan dawladnimo casri ah, is la markaa diyaar u ah in ay bulshada aad u xanuujiyaan iyagana aad loo xanuunjiyo. Haa, aad bay taasi u xanuun badan tahay, waayo waxii aynnu ka soo hadalnay ee kumannaanka sannadood hiddaha aadamiga ku soo jiray is la markaa Soomaalidu ku dhex jirto ayaa gunta la ga rujinayaa oo meel kale oo midho khayr lihi ka bixi karaan la gu beerayaa. Waa in ay dad badani isu abaabulaan dawladaynta, halka ay imika ka abaabulan yihiin maamullada qabiilku. Taa la’aanteed dadaalka dunidu ina gelinayso oo dhami waa khasaare iyo waqti lumis, Soomaalilaand baana markhaati u ah.

Inta taa ka horraysa badbaadadu waa in dadku qabiilnimadooda ilaashadaan. Iyada oo qabiilooyin la yahay baa fudud in la ga arrinsado in dawladnimo loo wada gudbi karo, haddii kale dawlad beenaadda hodaddaabada ah waxaa ku lumaya xuquuqo badan, karaamo badan iyo nolol badan. Tusaale ahaan lixdankii sano ee ka dambeeyay dawladnimada hummaaga iyo hodaddaabada ah reero badan baa la barakiciyay oo reero kale dhulkoodii daaqsinta iyo beeraha qabsadeen, taas oo la ga yaabo in aanay dhacdeen haddii qabiilooyin mudhuxsan la ahaan lahaa. Waxaa la mid ah sida musuqmaasuqa magaca maamulka dawladeed dad u gu caydhoobeen dad kale oo aan waaxba lahaan jirinina u gu hodmeen.
Ibraahim Hawd

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.